Abaaruhu waa dhibaato dabiici ah oo si toos ah u taabanaysa jiritaanka nolosha aadanaha, gaar ahaan marka ay ku habsadaan bulshooyin nugul. Somaliland oo leh cimilo isbeddel badan, waxaa marar badan kusoo noqnoqda abaaro culus oo waxyeelo u geysta dadka iyo deegaanka. Waxaase mar kasta barbar socday dadaal ummadeed, mid dawladeed iyo mid samafal oo lagu xoojinayo wax-ka-qabadka xaaladdahaas adag.
Haddaba, Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa qaaday talaabooyin muuqda oo dhanka isku-xidhka ah iyada oo kulamo la qaadatay ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo warbaahinta maxaliga ah. Kulamadaas muhiimka ah ayaa salka ku hayay hal ujeeddo oo kaliya: badbaadinta dadka reer Somaliland ee abaartu saameysay.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa warbixin qiimo badan oo hufan ku soo bandhigay shirkii golaha wasiirrada JSL 30kii Julay, isaga oo si cad u iftiimiyay dadaallada Guddida ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo. Tallaabooyinka uu xusay ayaa ah kuwo muhiim ah marka la eego xaaladda adag ee abaaruhu ku hayaan qaybo badan oo ka mid ah bulshada nugul.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi warbixintiisa waxa uu ku sheegay dhawr arrimood oo muhiim ah kuwaas oo ay ka mid yihiin: Qaybinta raashin ay Dowladda Djibouti ugu deeqday 15 kun oo qoys, taas oo muujinaysa garab istaagga walaaltinimo ee gobolka, dirista baaq taageero oo heer caalami ah, taas oo la rajeynayo in ay iftiimin doonto baahiyaha taagan iyo wadahadallada lala yeeshay ganacsatada, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, si kor loogu qaado iskaashiga gurmadka.
Iskaashi Wadajir ah oo Dhiirrigelin Mudan:
Kulankii dhawaan dhexmaray Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’adaha samafalka ee isugu jira kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ba wuxuu noqday madal muhiim ah oo lagu xoojiyey wada-shaqeynta iyo isu-duwidda gurmadka degdegga ah ee lagaga jawaabayo abaarta ba’an ee ka jirta dalka. Kulankani wuxuu sare u qaaday fahamka wadajirka ah ee looga baahan yahay dhammaan hay’adaha iyo laamaha dawladda in si hufan looga jawaabo xaaladda adag ee ay bulshadu wajahday.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay baaxadda abaarta oo si weyn u saamaysay gobollo badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ah, iyadoo si gaar ah loo dul istaagay baahiyaha degdegga ah ee bini’aadantinimo sida biyo la’aanta, nafaqo-darrada, hoy la’aanta, iyo daryeelka caafimaadka. Waxa kale oo kulanka lagu lafaguray istaraatijiyad mideysan oo lagu gaadhsiin karo gargaar deg deg ah dadka nugul ee ay sida tooska ah u saameeyeen abaaruhu.
Guddidu waxay hay’adaha la wadaagtay qorshaha Qaran ee wax lagaga qabanayo xaaladaha degdegga ah, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in aan waxba lagu gaadhi karin haddii aanay jirin iskaashi dhab ah. Hay’adaha samafalka ayaa dhankooda muujiyey diyaar-garow iyo garab istaag dhab ah oo ay u hayaan shacabka Somaliland, taasoo muujinaysa in ay si dhab ah uga go’an tahay ka qayb-qaadashada gurmadka.
Kulankan wuxuu ka tarjumayaa muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam isku-dhafan oo gurmad ah, kaasi oo ku saleysan xog la wadaago, hawlgal mideysan, iyo isu-xilqaam guud. Waxaa sidoo kale si gaar ah loogu baaqay in gurmadku noqdo mid waxtar leh, isla markaana xilli ku habboon la gaadhsiiyo taageerada dhab ah oo gaadha bulshada ugu nugul ee u baahan gargaarka.
Iskaashigan wadajirka ah waa bilow muhim ah oo tilmaamaya in Gurmadka Abaaruhu yahay masuuliyad Qaran iyo mid bani’aadamnimo, taasoo aan ku koobneyn hay’adaha dawliga ah iyo kuwa samafalka ee sidoo kale la rabo in bulshada oo dhami ay gacan ka geysato. Wuxuu muujinayaa in marka la mideeyo dadaallada, la sameeyo isu-duwid dhab ah, lagana shaqeeyo danta guud, la gaadhi karo yoolka ah in si hufan loo wajaho musiibooyinka dabiiciga ah ee sida abaarta oo kale ah.
Doorka Warbaahinta: Codka Bulshada Tabaaleysan
Dhinaca kale, kulankii dhawaan ay Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha la yeesheen warbaahinta madax-bannaan ee ka hawl-gasha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu si qoto dheer u muujiyay fahamka ballaadhan ee guddidu ka leedahay doorka saxaafadda ee ku aaddan hawlaha gurmadka iyo xaaladaha bini’aadantinimo, gaar ahaan kuwa ka dhashay abaaraha ba’an ee dalka saameeyey. Guddidu waxay si cad ugu adkaysay in warbaahintu qaadato kaalinteeda mas’uuliyadda leh, taas oo ay kaga mid noqonayso geeddi-socodka gurmadka iyadoo u adeegaysa danta guud ee ummadda.
Saxaafadda ayaa lagu boorriyey in ay cod u noqoto bulshada tabaaleysan ee aan lahayn awood ay ku gudbiyaan baahidooda, iska markaana ay baahiyaan xogo sugan oo dhab ah oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee abaaraha iyo dadka ay sida tooska ah u taabatay, iyo in ay kor u qaaddo wacyiga bulshada si loo abuuro garawshiiyo bulsho iyo falcelin togan oo gurmad lagu dhisayo.
Warbaahinta dalku waa in ay noqotaa biriij isku xidha kuwa haysta awoodda iyo agabka gurmadka iyo kuwa baahan, si loo abuuro fursado gargaar oo gaadha dadka tabaaleysan.
Wadajir Qaran: Mas’uuliyad Wadareed:
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu kulamadan ku muujiyey in masiibada abaartu tahay mas’uuliyad qaran, taasoo aan dawladda oo kaliya masuuliyadi ka saarnayn, balse ay tahay waajibaad diini ah, mid bani’aadantinimo iyo dastuuri ah. Wuxuu si cad ugu baaqay dhammaan shacabka gudo iyo dibad ba io hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo qurbo-joogta, in ay si degdeg ah u taageeraan gurmadka abaarta.
Madaxda Qaranku Waa Tusaale ku Dayasho Mudan:
Dhammaan Golaha Wasiirrada JSL, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxay muujinayaan hoggaan mas’uul ah, iyaga oo ku dhawaaqay in ay mushaharkooda hal bil ugu deeqayaan gurmadka abaaraha. Tani waa tallaabo geesinimo leh oo tusaale u noqonaysa shacabka, hay’adaha, iyo ganacsatada.