Xukuumadda oo Abuurtay Wadajir Dhab ah iyo Qaran-jacayl Bulsho: Guulaha Qaranka JSL Gaadhay

Saturday August 23, 2025 - 14:03:06
hadhwanaagnews
Talaabadan guulaha leh ayaa ka dhalatay ballanqaadkii Madaxweyne Cirro



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxay si hufan u muujisay karti hoggaamineed oo ay kaga midho-dhalisay ballanqaadyadii ay la gashay shacabka reer Somaliland xiligii ololaha doorashada kuwaas oo laga dhaxlay horumar wax ku ool ah oo ku dhisan ficil horseedaya midnimo, wadajir, qaran-jacayl bulsho iyo xasillooni siyaasadeed.

Mid ka mid ah tallaabooyinka ugu qiimaha badan ee muujinaya guushaas ayaa ah sida diirran ee ay u soo dhaweysay Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo muddo dheer dalka ka maqnaa. Arrintan ayaa ah mid si weyn uga duwan xaaladdii hore, markii xukuumaddii Xisbiga KULMIYE ay dalka ka talinaysay ay si cad ugaaska uga hor istaagtay inuu dalka yimaado, isla markaana si khasab ah looga celiyay magaalada Garoyacawl, oo ku taalla duleedka Boorama.

Talaabadan guulaha leh ayaa ka dhalatay ballanqaadkii Madaxweyne Cirro oo xilligii ololaha doorashada caddeeyay in haddii uu ku guuleysto hoggaaminta dalka, uu Ugaaska guud si xor ah dalkiisa u iman doono. Sidaa darteed, soo-dhaweyntani maaha oo kaliya maamuus iyo munaasabad caadi ah, balse waxay ahayd calaamad xooggan oo muujinaysa sida ay xukuumaddu uga go’an tahay dhismaha bulsho mideysan, qaddarinta hogaaminta dhaqanka, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, kuwaas oo ah tiirarka aasaasiga u ah jiritaanka iyo xasilloonida Somaliland.

Bulshada reer Somaliland waxay maanta markhaati ka yihiin hirgelinta mid ka mid ah yoolalkii ugu muhiimsanaa ee xukuumaddan: xoojinta midnimada iyo wadajirka qaranimo, taas oo lafdhabar u ah horumar, xasillooni iyo dawladnimo sugan. Tallaabadan ay qaaday xukuumaddu ayaa ah tusaale dhab ah oo muujinaya sida ay u hirgashay himiladaasi. Waa arrin ka turjumaysa in dareenka guud ee shacabka reer Somaliland uu isbeddelay. Waa isbeddel ay horseed u tahay xukuumad dooneysa in la helo qaran loo siman yahay, taladiisana laga dhigo mid ay wada leeyihiin dhammaan ummaddu.

Tani waxay ahayd calaamad lagu muujiyay in Somaliland aanay ahayn mid koox gaar ah u xidhan, balse ay tahay dhul iyo dawlad ay wada leeyihiin dhammaan beelaha ku midoobay magaca Jamhuuriyadda Somaliland. Ugaasku wuxuu astaan u yahay beel dhan, wuxuuna leeyahay door bulsho iyo mid nabadeed. Sidaas darteed, tixgelinta iyo maamuuska loo sameeyay waa mid si toos ah ugu xidhan qaddarinta shacabkaasi iyo doorkooda ku aaddan nabadda, midnimada iyo jiritaanka Somaliland.

Isbeddelka muuqda ee ka dhacay deegaanka iyo dareenka bulshada, oo si aad ah u muujinaya kalgacalka iyo kalsoonida sii xoogaysanaysa ee ay u hayaan xukuumaddooda iyo hoggaaminta toolmoon ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu marag u tahay in xukuumaddu ay si dhab ah u taabatay una fulisay hal-ku-dhiggeedii ahaa:Qaran wadajira oo midaysan.

Waxaa cad in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay si xeel dheer u fahamtay in qaranimo dhab ahi ay ku salaysan tahay wada hadal, is-qaddarin, iyo in aan cidna laga tegin. Ku guulaysiga xoojinta xidhiidhka dowladda iyo hogaamiyeyaasha dhaqanku waa tiir muhiim ah oo ay ku dhismaan nabad, horumar iyo kalsooni dadweyne.

Soo noqoshada Ugaaska iyo hab-maamuuska loo sameeyay waxay sidoo kale calaamad u tahay xornimada iyo karaamada muwaadinka reer Somaliland, taas oo ah go’aan taariikhi ah iyo guul siyaasadeed oo ay si gaar ah ugu faani karto Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Marka la eego dhamaan tallaabooyinkan, waxa lagu tilmaami karaa inay tahay bilow cusub oo dalka u horseedi kara xasillooni siyaasadeed oo joogto ah iyo midnimo dhaba ah oo ka tarjunta dhammaan beelaha Somaliland. Waxaa la rumaysan karaa in dalka uu galay marxalad cusub oo rajadeedii iyo riyadeedii qaran-jacaylka la taaban karo.

Qaran-jacaylkii oo Muuqda.

Isku duubnida ay bulshada ku muujisay soo dhoweynta Ugaaska Guud waxay ahayd guul iyo horumar bulsho oo aad u ballaadhan oo aanay cid gaar ahi lahayn, waxa ka qaybgalay shacabka, madaxda xukuumadda, iyo guud ahaan madax dhaqameedda dalka. Tani waxay astaan u tahay in dareenkii qaranimo uu dib u soo ifbaxay, loona baahan yahay in la xoojiyo.

Waxaa intaas dheer, xukuumaddu waxay muujisay biseyl siyaasadeed iyo maskax furan, taasoo ah waxa maanta ay bulshadu ugu baahida badan tahay oo ah hoggaaminta dawladnimada ee qaranka. Madaxweynuhu wuxuu muujiyay in hoggaamintu aanay ku eekayn xafiisyo iyo xeerar, balse ay tahay maqalka bulshada, tixgelinta dhaqanka, iyo ilaalinta qaddarinta dadnimada.

Gabagabo: Hal-abuur Dowladnimo oo Cusub

Soo dhoweynta Ugaaska Guud waxay ahayd masrax furan oo muujinaya maamuuska iyo qadarinta Ugaasku ka mudan yahay Xukuumadda iyo bulshada reer Somaliland, waa aragti siyaasadeed oo sal adag u ah qaab-dhismeedka cusub ee xukuumaddu doonayso inay dalka ku maamusho, taas oo ah mid ku dhisan sinnaan, wadajir, iyo is-qaddarin.

Madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisu waxay fureen bog cusub oo taariikhda Somaliland ka mid noqon doona, haddii ay si joogto ah u ilaaliyaan midnimada bulsho, horumarka muuqda, iyo maamuuska haybadeed ee ay bilowday. Waxay muujisay in qaran-nimada Somaliland ay tahay mid laga wada shaqayn karo, lagana wada faa’iidi karo, haddii lagu saleeyo caddaalad, isu tanaasul iyo wadatashi dhab ah.

Sidaas darteed, shacabka iyo madax-dhaqameedkuba waa inay garab istaagaan xukuumadda, si loo sugo qaran mideysan, nabad ah, isla markaana hormuud u noqda geeska Afrika.

     
Loading...