HADHWANAAGNEWS
Bismilahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B) Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Habaarka Iyo Oohintiinan,Habeeniyo Maalin Jooga,
Haddaydan Nala Heleyn,Hawlyari Xasanow U Seexo,
2-Hiirtaanyada Xaasidiinta,Hayaayda Iyo Qayladooda,
Waxanay Heleynin Doonka,Hadimo Iyagay Ka Qaadhi.
3-Hogu Geele Kuu Horseday,Hagaag U Gashaye Ha Diidin,
Hubsiimo La,Aan Hayaanto,Haddaad Hubuq Tidhi Hogii.
4-Hargeyso Citirafki Haysa,Xasanow Talo Faro Ka Hade,
Haddeer Hawshii Dhamaate,Hadalkaga Ayaa U Baahan.
Handuleh Ismail
Ismail handuleh <[email protected]>
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!