Warbixin: Ruushka oo Faa'iido Dhaqaale ka Helay Xiisadaha Marin-biyoodka Hormuz

Friday March 13, 2026 - 00:27:05
hadhwanaagnews
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xirnaanshaha ama khalkhalka



Warbixin ay baahisay wargeyska Financial Times ayaa sheegtay in Ruushka uu faa’iido dhaqaale ka helay xiisadaha ka taagan marin-biyoodka Hormuz iyo weerarrada ay la kulmayaan qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.


 

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xirnaanshaha ama khalkhalka ku yimid marinkan istaraatiijiga ah uu sababay kor u kac ku yimid qiimaha shidaalka caalamka, taas oo keentay in Ruushku helo dakhli dheeraad ah oo u dhexeeya 1.3 ilaa 1.9 bilyan oo doolar.


 

Dakhligaas dheeraadka ah ayaa la sheegay inuu ka yimid canshuuraha iyo dhoofinta shidaalka, maadaama qiimaha shidaalka caalamku sare u kacay xilli ay jiraan xiisado amni iyo weerarro ka dhacaya gobolka Khaliijka.


 

Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, waxaana mara boqolkiiba weyn oo ka mid ah shidaalka caalamka, taasoo ka dhigaysa in khalkhal kasta oo ku yimaada uu si toos ah u saameeyo suuqa tamarta dunida.

     
Loading...