hadhwanaagnews
Sida ay ku warrantay Reuters, warar laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dalalka Iiraan iyo Maraykanka ay gaadheen qorshe hordhac ah oo xabbad-joojin ah, kaas oo ay dhexdhexaadisay dowladda Pakistan. Qorshahan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha sii xoogaysanayay ee u dhexeeya labada dal.
Qorshaha la sheegay ayaa sidoo kale suurto-gelin kara in dib loo furo marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, kaas oo ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan shidaalka. Ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in arrintani dhici karto sida ugu dhakhsaha badan haddii labada dhinac ay si rasmi ah u ansixiyaan heshiiska.
Wararku waxay intaa ku darayaan in heshiiskan hordhaca ahi uu noqon karo tallaabo u gogol xaadha wadahadallo ballaadhan oo dhexmara Iiraan iyo Maraykanka toddobaadyada soo socda, taas oo keeni karta is-afgarad ka weyn kan hadda jira.
Inkasta oo aan wali la helin faahfaahin buuxda oo ku saabsan qodobada heshiiska, haddana waxaa si weyn loo aaminsan yahay inuu yahay mid door muhiim ah ka ciyaari kara dejinta xaaladda amni ee gobolka Bariga Dhexe.
Falanqeeyayaasha arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in haddii qorshahan la hirgeliyo oo labada dhinac ay si dhab ah u qaataan, ay keeni karto ugu yaraan xabbad-joojin ku meelgaar ah. Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay furtid waddo lagu gaadho heshiis nabadeed oo waara, isla markaana la isku halayn karo mustaqbalka dhow.