hadhwanaagnews

Xuska 18-ka May ayaa xalay si weyn looga xusay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, iyadoo ay kasoo qeyb galeen boqolaal kamid ah jaaliyadda reer Somaliland iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana lagu soo bandhigay suugaan, heeso wadani ah iyo khudbado lagu muujinayay muhiimadda maalintan ku leedahay shacabka Somaliland.
Mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa halkaasi ka hadlay, iyagoo hambalyo u diray shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, kuna boorriyay inay sii xoojiyaan midnimada iyo wadajirka.
18-ka May ayaa sanad kasta loo asteeyaa maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sanadkii 1991-kii.







