Strait of Hormuz: Markabkii Ugu Horreeyay ee Shidaal Sida oo Ka Gudba Xiisadaha Kadib

Saturday May 23, 2026 - 17:07:52
hadhwanaagnews
Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in markabka ay maamusho



Markab shidaal oo wata calanka Panama laguna magacaabo Idemitsu Maru, kana soo shiraacday dalka Saudi Arabia isaga oo sida ku dhowaad laba milyan oo foosto oo shidaal qaydhin ah, ayaa si rasmi ah uga gudbay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz.


 

Markabkan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee shidaal qaada ee si nabad ah uga gudba Gacanka Hormuz tan iyo markii halkaasi ay ka bilaabmeen xiisado iyo xanibaado saameeyay isu socodka maraakiibta caalamiga ah.


 

Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in markabka ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Japan, waxaana la filayaa inuu 25-ka May gaadho xarun sifaynta shidaalka oo ku taalla gobolka Aichi Prefecture.


 

Gudubka markabkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dib u soo kabashada isu socodka shidaalka ee marin-biyoodka Hormuz, kaas oo door weyn ku leh ganacsiga tamarta iyo sahayda shidaalka ee caalamka.

     
Loading...