xogbaahin.com
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Faleh al-Zaidi, ayaa amray in shaqada laga eryo taliyihii Taliska Hawlgallada Gobolka Maysan, kadib markii la xaqiijiyey in weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday Sacuudi Carabiya ay ka yimaadeen goob ku taalla gobolkaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray in la sameeyo guddi baaritaan oo baadha doorka iyo masuuliyadda Taliska Hawlgallada Maysan, oo ah talis wadajir ah oo qaabilsan isku-dubbaridka iyo maaraynta hawlgallada ciidamada ammaanka ee gobolka Maysan, koonfurta Ciraaq.
Go’aankan ayaa yimid saacado kadib markii dowladda Ciraaq ay sheegtay inaysan oggolaan doonin weerar kasta oo waxyeello u geysanaya amniga Sacuudi Carabiya ama dhaawacaya xidhiidhka labada dal. Baqdaad ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay bilowday baaritaan degdeg ah oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay weerarrada.
Dhanka kale, Ciraaq iyo Sacuudi Carabiya ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-dubbaridka iyo wada-shaqaynta amni ee joogtada ah ee labada dal, xilli xiriirkooda uu wajahayo xaalad xasaasi ah oo ka dhalatay weerarrada ka dhacay gudaha Sacuudiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in dhuumaha shidaalka Bariga-Galbeed ee ku yaalla gobollada Riyaad iyo Madiina lagu bartilmaameedsaday "dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ka yimid Ciraaq”, taas oo sababtay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed.