Shan Qof Oo Dhintay, 40 Kalena Ku Dhaawacmay Kadib Markii Bas Dalxiisayaal Dutch Ah Swwitzerland Ku Rogmaday

Saturday September 12, 2026 - 15:00:11
xogbaahin.com
Hawlgalka samatabixinta ayaa waxaa ka qayb qaatay toddoba diyaaradood



Shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii bas ay saarnaayeen 45 dalxiise oo u dhashay dalka Netherlands uu ku rogmaday dhul buuraley ah oo ku yaalla bariga Switzerland.

 

Shilkan ayaa dhacay Khamiistii, xilli basku marayey meel u dhow tuulada Susch ee gobolka Grisons, halkaas oo uu ka baxay waddada, kadibna uu ku rogmaday goob dhisme oo ku dhowayd.

 

Booliska Switzerland ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa baska ay ahaayeen dalxiisayaal Dutch ah, waxaana goobta shilka loo diray ciidamo gurmad oo badan si loo samata bixiyo dadka ku waxyeelloobay shilka.

 

Hawlgalka samatabixinta ayaa waxaa ka qayb qaatay toddoba diyaaradood oo gurmad ah iyo 13 kooxood oo ambalaas ah, iyadoo dadka dhaawacmay loo kala qaaday isbitaallada si loo siiyo daryeel caafimaad.

 

Boolisku waxay sidoo kale sheegeen in aan weli si rasmi ah loo aqoonsan shanta qof ee ku geeriyooday shilka, iyadoo ay socdaan hawlo lagu xaqiijinayo xogtooda.

 

Dhanka kale, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha ay khusayso ayaa bilaabay baadhitaan lagu ogaanayo sababta keentay in basku ka baxo waddada iyo xaaladihii sababay shilka.

     
Loading...