hadhwanaagnews

Washington – Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si diirran u soo dhawaysay hindise sharciyeed cusub oo ku saabsan helitaanka dhaqaale iyo fursado maaliyadeed, kaas oo loo gudbiyay Aqalka Congress-ka Maraykanka.
Hindisahan ayaa waxaa soo bandhigay Xildhibaan John Rose, waxaana taageeray Xildhibaano kale oo kala ah Pat Harrigan iyo Andy Ogles, isagoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.
Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Maraykanka, Bashiir Sheekh Cumar Good, ayaa si weyn u bogaadiyay hindisahan, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo fududaynta xidhiidhka ay la yeelanayso bangiyada caalamiga ah.
Danjiruhu waxa uu sheegay in hindisahan uu door muhiim ah ka ciyaari karo kor u qaadista awoodda Somaliland ee gelitaanka nidaamka lacag-bixinta caalamiga ah (SWIFT), taas oo fure u noqon karta in dalka uu si toos ah ula macaamilo bangiyada Maraykanka iyo kuwa kale ee caalamka.
Sidoo kale, Amb. Bashiir Good ayaa xusay in dadaallo badan oo ay samaysay xukuumadda Somaliland ay suurtageliyeen in hindisahan la hor geeyo Congress-ka, taas oo muujinaysa horumar muuqda oo laga sameeyay dhinaca diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Hindisahan ayaa la filayaa inuu furo fursado dhaqaale oo cusub, isla markaana xoojiyo kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah ee ku wajahan Somaliland, haddii uu helo ansixinta rasmiga ah.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo Somaliland u horseedi karta is dhexgal buuxa oo ay la yeelato nidaamka maaliyadeed ee caalamka, isla markaana kor u qaadi karta horumarka dhaqaale ee dalka.