HADHWANAAGNEWS
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim,
A.S.C.W.R.W.B Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Aqoonsigeeni Orobiyo,
Ingiriisku Bixinaayay,
Isagaa Ina Xaasidayo,
Islaambu Inagu Dagay.
2-Isticmaar Gabobayoo,
Umado Soo Gumaysata,
Iimaanka Laga Qaadku,
Inaga Reebay Dunidaba.
3-Afka Baarkii Weeyaane,
Ataaturki,Islaam Maah,
Iblays Weeye Shaydaan,
Aduuyada Ku Dheerada.
4-Inkastaba Ha Gaadhee,
Eeduun Aadmi Iga Galay,
I Arjumay Aniga Oo Nool,
Waan Ka Aarsan Doonaa.
5-Aheey Waxa Igaga Daran,
Inamadi Ogaaye Iladayga,
Noole Ina Soo Horjoogee,
Aamineen Dadweynuhuna.
Ismail Abdillahi Handuleh
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!