Saraakiishan, oo muddo sanado ah waxbarasho ku soo qaadanayay
Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka kuwaas oo ka qalin jabiyay jaamacadda Taiwan National Defence University.
Saraakiishan, oo muddo sanado ah waxbarasho ku soo qaadanayay dalka Taiwan, ayaa si rasmi ah uga qalin jabiyay kuliyadaha War College iyo Staff College, kuwaas oo lagu tababaro hoggaanka sare ee ciidamada.
Taliyuhu wuxuu sheegay in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay la soo baxeen saraakiishan ay wax weyn ka tari doonto horumarka iyo xirfadda Ciidanka Qaranka JSL, isla markaana ay sare u qaadi doonto diyaar-garowga iyo tayada howlgalka ciidan.
Waxaa la filayaa in saraakiishani dhawaan dib ugu soo laabtaan dalkooda, si ay uga mid noqdaan dadaallada lagu horumarinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.