HADHWANAAGNEWS

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo amniga, kadib markii uu saraakiil ka tirsan Madaxtooyada u magacaabay xilal muhiim ah oo ka tirsan Ciidanka Booliska gobollada Puntland.
Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada, G/sare Cabdinaasir Maxamed
Shaati, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliiska Gobolka Sanaag, halka sidoo kale
taliye ku-xigeennada Booliiska ee gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug loo
magacaabay saraakiil da’yar oo hore uga tirsanaa Madaxtooyada.
Magacaabistan ayaa loo arkaa mid muujinaysa isbedel cusub oo
lagu sameynayo hoggaanka ciidanka, iyadoo la doonayo in la helo firfircooni iyo
hufnaan dheeraad ah oo dhinaca amniga ah.
Falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in tallaabadani ay sidoo kale
muujinayso in Madaxweynaha uu doonayo inuu xoojiyo kalsoonida uu ku qabo
saraakiisha cusub, isla markaana uu si toos ah ula socdo xaaladda amni ee
gobollada muhiimka ah.
Dhanka kale, magacaabista saraakiil da’yar ayaa loo arkaa
qorshe lagu dhiirrigelinayo jiil cusub oo hoggaan ciidan ah, si loo helo nidaam
amni oo casri ah oo waxtar leh.
Arrintan ayaa imanaysa xilli ay Puntland wajahaysay caqabado
amni oo u baahan dib-u-habayn iyo xoojinta hoggaanka ciidamada, iyadoo la
filayo in isbedelladan ay door weyn ka qaataan sugidda nabadda iyo xasiloonida
gobollada.