WAR KOOBAN: Hay'adda Caymiska Qaranka Oo La Tashatay Saxaafadda Madaxa-bannaan

Friday May 01, 2026 - 11:58:05
hadhwanaagnews
Saxaafiyiinta ayaa bogaadiyay tallaabada ay hay'addu qaaday

May be an image of one or more people, suit and dais



Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Axmed Xirsi Ducaale, ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay haldoor ka tirsan saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha SOLJA, Shaafici Maxamed Ibraahim, iyo saxafi sare Caydaruus Cabdilaahi Ismaaciil "Beershiya”.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha barnaamij heer qaran ah oo lagu wacyigelinayo bulshada loona barayo muhiimadda caymiska, kaas oo dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono.


 

Saxaafiyiinta ayaa bogaadiyay tallaabada ay hay’addu qaaday ee ah in wacyigelinta lagu bilaabo wada-tashi, iyagoo xusay in caymisku yahay adeeg muhiim u ah badbaadada nafta, hantida iyo dhaqaalaha.


 

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la qabto kulan ballaadhan oo rasmi ah si loo soo bandhigo barnaamijka wacyigelinta caymiska loona xoojiyo iskaashi qaran oo mideeya hay’adda, saxaafadda iyo bulshada.

     
Loading...