hadhwanaagnews
Masuuliyiin ka socota Waaxda Dhirta iyo Daaqa ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa kormeer shaqo ku tagay gobolka Saraar, si ay u qiimeeyaan hawlaha ay ka fulisay hay’adda Welthungerhilfe (WHH).
Intii ay joogeen gobolka, masuuliyiintu waxay kulamo la yeesheen Badhasaabka Gobolka Saraar, Cabdiraxiin Maxamed Axmed, iyo Isu-duwaha Deegaanka ee gobolka, Cabdikariim Siciid Marayare, iyagoo ka wada hadlay horumarinta mashaariicda deegaanka.
Hawlahan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wax-soo-saarka dhul daaqsimeedka, iyadoo goobaha laga hirgeliyay ay ka mid yihiin biyo-joojinno iyo hal seere abaareed.
Goobaha kormeerka laga sameeyay waxaa ka mid ah: Bali Cumar, Faramara, Balaadhis, Badweyn iyo Qudbiga Abayoonis, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah deegaannada laga fuliyay mashaariicda horumarineed.