hadhwanaagnews

Fannaanadda caanka ah ee Sahra Halgan ayaa ka mid ahayd haldoorkii goob-joogga ka ahaa shirkii lagaga dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland 18 May 1991, iyadoo door muuqda ka qaadatay heesihii halganka ee dhiirrigelinta shacabka.
35 sano kaddib, Sahra Halgan weli waxay ka mid tahay fannaaniinta u adeegsada hibadooda faneed difaaca qarannimada iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sheegtay inay si maalinle ah u soo bandhigi doonto sawirrada haldoorka ka qayb galay xilligii dib-ula-soo-noqoshada qarannimada, iyadoo sawirradu ka mid yihiin keydka wasaaradda.
Sawirradan waxaa qaaday suxufi sare Xasan Shukri, waxaana xuquuqdooda iska leh Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.