Xukuumadda oo Daah-furtay Mashruuc Istaraatiji ah oo lagu Horumarinayo Adeegyadda Bulshada Somaliland

Thursday July 31, 2025 - 13:19:13
hadhwanaagnews
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda, waxaa guddoomiyey



Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo horumarineed oo muhiim ah, iyada oo 26-kii bishan July qabatay kulan istiraatiiji ah oo lagu lafa-gurayo hirgelinta Mashruuca ACTIVE, kaas oo ah mashruuc ballaadhan oo ujeeddadiisu tahay isku-xidhka Tamarta la cusboonaysiiyo iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaaradda, waxaa guddoomiyey Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, waxaana ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Shucayb Cismaan Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Tamarta Cabdirsaaq Maxamed Cabdi iyo masuuliyiin sare oo kala duwan ee wasaaradda iyo Wasiirrada afar wasaaradood oo si toos ah mashruucani u saameyn doono, kuwaas oo kala ahL Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga.

 

Mashruucan ACTIVE (Advancing Clean Technology and Integrated Value-Chain for Energy) oo socon doona muddado dheer oo u dhaxaysa sannadka 2025 ilaa 2028, waxa uu ka mid yahay dadaallada lagula tacaalayo caqabadaha deegaanka iyo dhaqaalaha, isaga oo lagu maalgelinayo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, hay’adda ADRA, iyo Midowga Yurub.

 

Mashruucan ayaa ah mid xoogga saaraya Rakibidda qaboojiyeyaasha ku shaqeeya cadceedda si kor loogu qaado keydinta kalluunka, caanaha iyo hilibka, arrintaas oo ah mid si weyn u yarayn doonta khasaaraha wax-soo-saarka dalka. Sidoo kale waxa qayb ka ah soo saarista biyaha iyada oo la adeegsanayo tamarta cadceedda, gaar ahaan meelaha miyiga ah ee aan lahayn biyo joogto ah. Mashruucani waxa kale oo uu ka qayb-qaadan doonaa Horumarinta tamarta beeraha iyo xarumaha wax-soo-saarka, taas oo si toos ah u taageeraysa kobaca dhaqaalaha miyiga.

 

Mashruuca ACTIVE waxa uu ka tarjumayaa aragti cusub oo ah in horumarka laga bilaabo halka noloshu salka ku hayso: iyada oo la xoojinayo adeegyada aasaasiga ah sida biyo, cunto, tamar iyo suuq-geyn. Waxay tani sare u qaadaysaa: Xasiloonida nolosha miyiga, Horumarka wax-soo-saarka beeraha iyo kalluumaysiga, sidoo kale mashruucani waxa uu wax weyn ka tarayaa ka hortagga tahriibta iyo barakaca la xidhiidha dhaqaale-xumada.

 

Sidoo kale, mashruucu waxa uu si weyn uga qayb qaadan doonaa yareynta ku-tiirsanaanta shidaalka qaaliga ah, isaga oo gacan ka geysanaya hirgelinta yoolalka Xukuumadda Somaliland ee wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, taas oo ku aaddan tamarta waarta (green economy transition) iyo yareynta saamaynta isbeddelka cimilada.

 

Shirkan oo qabsoomay Khamiistii todobaadkan waxa uu muujinayaa is-waafajinta siyaasadeed iyo farsamo ee u dhexaysa wasaaradaha Somaliland si loo gaadho yoolal dhaqan-dhaqaale oo waara. Mashruuca ACTIVE waxa uu tusaale u noqon karaa mashruucyada horumarineed ee sida wax ku oolka ah bulshada uga faa’iidaynaya adeegyada tamarta nadiifta ah si loo xoojiyo adeegyada bulshada.

 

Waxaa si gaar ah la isku waafaqay in mashruucani noqdo mid leh: Saameyn togan oo la qiyaasi karo, isla markaana kordhiya fursadaha shaqo abuur iyo kobaca dhaqaalaha bulshada Somaliland, iska markaana si dhab ah uga jawaaba baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka Somaliland. Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ayaa ku suntan dedaalkan lagu horumarinyo adeegyada lama huraanka ah ee bulshada iyada oo ka duulaysa in adeegga Tamartu uu yahay furaha horumarka bulsho.

 

Mashruuca ACTIVE waa mashruuc ballaadhan oo lagu hormarinayo isku-xidhka tamarta laga helo ilo la cusboonaysiin karo (Renewable Energy) iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Ujeeddadiisa ugu weyn waa in la yareeyo baahida tamarta ee magaalooyinka iyo tuulooyinka Somaliland, isla markaana kor loo qaado tayada adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, wax-soo-saarka beeraha, Kalluumaysiga, Kayndinta cuntada iyo biyaha iyadoo la adeegsanayo tamarta nadiifta ah.

 


     
Loading...