Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo La Kulmay Ururrada Bulshada Rayidka

Tuesday August 26, 2025 - 14:18:07
hadhwanaagnews
Ujeeddadu waxay ahayd in la dardar-geliyo iskaashi wax-ku-ool
May be an image of 13 people and suit


Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ee Somaliland, waxaana kulanka hoggaaminayey dalladda SONSAF.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa Xafiiska Gobolka iyo ururrada bulshada rayidka, gaar ahaan dhinacyada amniga, waxbarashada, iyo arrimaha bulshada.

Ujeeddadu waxay ahayd in la dardar-geliyo iskaashi wax-ku-ool ah oo kor u qaada adeegyada bulshada iyo nabadgelyada gobolka.

Guddoomiyuhu waxa uu uga mahadceliyey ururrada doorkooda firfircoon ee horumarinta bulshada, wuxuuna ballanqaaday in xafiiskiisu diyaar u yahay wada-shaqayn joogto ah.
     
Loading...