Waxa kaloo uu sheegay in Komishanka ay ka wadahadleen arrrimaha khuseeya...
Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo uu weheliyo Ku-xigeenka safiirka, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Guddida Doorashooyinka Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Muuse Xasan, kuwaasi oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Kenya.
Qoraal uu Safiir Maxamed Cabdilaahi Cumar ku faafiyey bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in kulankaasi lagaga hadlay arrimo badan oo midho-dhal ah oo la xidhiidha qorshayaasha Komishanka ee la xidhiidha Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha degaannada ee u mudaysan inay Somaliland ka qabsoomaan 31 May 2026.
Waxa kaloo uu sheegay in Komishanka ay ka wadahadleen arrrimaha khuseeya diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka iyo hannaanka diwaangelintaasi loo qabanayo oo aan weli la isla qaadan, waxaanu sheegay in Komishanka.
Doorashooyinka Qaranka ay ka muuqatay tallaabooyin dhiirigelin leh oo ah diyaargarawgooda iyo guulihii ay hore uga soo hooyeen Doorashooyinkii ay dalka ka soo qabteen ee lagu wada bogaadiyey, laguna ammaanay, taasi oo dhistay kalsoonida ay shacabka reer Somaliland ku qabaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu xusay inay xiligana u muuqdaan qaar sii casriyeynaya, siina horumarinaya hannaanka Doorashooyinka Somaliland.