Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah dalka ugu soo dhaweysay wefti heer sare ah oo ka socda Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo socdaalkooda uu salka ku hayo qiimayn iyo sahamin ay ku sameynayaan fursadaha maalgashi ee dalka.
Soo-dhaweynta rasmiga ah waxaa hormuud u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdifatah Ismaaciil Ducaale, oo sheegay in ujeeddada weftigani yahay sidii ay isha ugu saari lahaayeen mashaariicda horey u fulay, una sahamin lahaayeen fursado cusub oo suurtagal ah in laga hirgaliyo gudaha Somaliland. Waxa uu si gaar ah uga hadlay doorka fursadahani ku leeyihiin shaqo-abuurka, kor u qaadista dakhliga dalka iyo hoos u dhigista saboolnimada.
Weftigan oo matalaya daneeyayaal iyo maalqabeenno ka socda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa la filayaa in ay si qoto dheer u eegaan meelaha muhiimka ah ee loo baahan yahay maalgelin degdeg ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Warshadaynta kheyraadka badda, gaar ahaan kalluumaysiga iyo wax-soo-saarka kalluunka; Soo saarista iyo ka faa’iidaysiga macdanta dabiiciga ah; Hormarinta xoolaha nool iyo warshadaha la xidhiidha khayraadka xoolaha iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha sida tamarta, dhismaha iyo tiknoolajiyadda warshadaha fudud.
Soo dhaweynta weftigan waxay muujinaysaa tallaabooyinka la taaban karo ee Somaliland ku doonayso in ay kaga dhex muuqato khariidadda maalgashiga gobolka Geeska Afrika. Waxaa xusid mudan in Agaasimaha Guud uu sidoo kale si hufan ugu bandhigay weftiga qorshayaasha iyo istaraatiijiyadda wasaaraddu u dejisay sidii Somaliland loogu beddeli lahaa goob ay ka hirgalaan maalgashi waara oo ku saleysan fursadaha dabiiciga ah iyo suuqyada furan.
Sida laga dheehan karo socdaalka weftigan iyo isdhexgalka rasmiga ah ee ay la yeesheen madaxda Somaliland, waxaa muuqata kalsooni sii kordheysa oo beesha caalamka gaar ahaan kalsoonidas weyn ee dalalka Khaliijku ay ku qabaan xasiloonida siyaasadeed iyo fursadaha ganacsi ee Somaliland. Waxa kale oo ay marag cad u tahay in maalgashigu yahay dariiqa ugu dhow ee loo maro horumarka dhabta ah ee dhaqaalaha iyo bulshada.
Weftiga ayaa ugu dambeyntii bogaadiyay sida wasaaraddu u muujisay hufnaan, diyaargarow iyo damac fog oo ku aaddan kobcinta maalgashiga, iyagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan xidhiidhka iyo lafa-gurida fursadaha laga faa’iideysan karo.
Soo dhaweynta iyo wada-hadallada noocan oo kale ah waxay daliil u yihiin in Xukuumadda Somaliland ay u socoto dariiq sax ah oo ay dalka kaga dhigayso xarun ganacsi iyo maalgashi oo muhiim u ah gobolka.