Kulankii muhiimka ahaa ee shalay dhexmaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Md. Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), iyo wakiillo sare oo ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dadweynaha iyo Korniinka (UNFPA) ayaa ah mid muujinaya horumar muuqda iyo diyaar garow dhab ah oo ay Xukuumadda Somaliland ku wajahayso horumarinta iyo mustaqbalka dhalinyarada dalka oo ah qaybta ugu tirada badan bulshada, uguna saamaynta badan.
Kulankan muhiimka ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxqabadyadii hore, hirgelinta siyaasadda qaran ee dhalinyarada, taageerada qorshaha istaraatiijiyadeed ee wasaaradda, iyo dardar-gelinta barnaamijyada wacyigelinta dhalinyarada, kuwaas oo ah tiirarka horumarineed ee mustaqbalka jiilka cusub.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay si cad u muujisay in ay leedahay himilooyin muuqda iyo qorshe qaran oo dhisan, balse ay u baahan tahay taageero farsamo, tababarro, iyo wada-shaqayn joogto ah si loo xaqiijiyo hirgelinta buuxda ee siyaasadda dhalinyarada. Codsiga ah in UNFPA ay sii xoojiso kaalinteeda taageerada farsamo iyo horumarinta aqoonta dhalinyarada iyo ciyaaryahannada Somaliland, waa mid gar leh, iyadoo hay’addu horeba u muujisay dadaal muuqda oo la xidhiidha dhinacyada wacyigelinta, caafimaadka, iyo horumarinta awoodda dhalinyarada.
Sidoo kale, la wadaagista UNFPA ee qorshaha cusub ee istaraatiijiga ah ee wasaaradda waxay muujinaysaa daahfurnaan iyo kalsooni, taasoo horseedi karta in barnaamijyada UNFPA si toos ah loogu waafajiyo baahiyaha dhabta ah ee dhalinyarada Somaliland.
Waxaa la xusi karaa in UNFPA ay door muuqda ka qaadatay horumarinta barnaamijyada wacyigelinta dhalinyarada, gaar ahaan arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo ka hortagga tacaddiyadda iyo kor u qaadista fursadaha waxbarasho. Hase yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in dadaalladaasi la balaadhiyo si ay u gaadhaan dhalinyarada ku nool deegaannada aan si sahal ah u helin adeegyadaas muhiimka ah.
Kulankan wuxuu sidoo kale ka turjumayaa sida ay muhiim u tahay in hay’adaha caalamiga ah iyo dowladda Somaliland ay yeeshaan is-faham iyo iskaashi joogto ah si loo gaadho yoolalka horumarineed. Waxa uu ahaa fursad dhaxalgal ah oo lagu xoojinayo iskaashiga, laguna mideynayo dadaallada horumarineed ee la xidhiidha arrimaha dhalinyarada, taasoo ah tiirka ugu weyn ee horumarka iyo xasilloonida bulsho.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay mudan tahay bogaadin sida ay u qaadatay doorkeeda hoggaamineed, iyadoo horseedaysa wada-tashi, wax-wada-qabsi, iyo in la dhiso hannaan waara oo dhalinyarada ka dhigaya kuwo leh karti, firfircooni, iyo mustaqbal ay iyagu gacan weyn ku leeyihiin.
Gabagabadii, dedaalada sii xoogaysanaya oo noocan oo kale ahi waxa ay horseed u noqon karaan in Somaliland ay gaadhi doonto heer ay dhalinyaradeedu noqdaan kuwo fursadaha la jaanqaadi kara, lagana saaro culeysyada hor taagan horumarkooda. Tani waa waddada saxda ah ee loo marayo dhismaha jiil cusub oo iftiin u horseeda dalka.
Kulankan muhiimka ah ee uu guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Md. Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo khubaro sare oo ka kala socday labada dhinac ee Wasaaradda iyo Hay’adda UNFPA. Waxaana kamid ahaa:
Mr. Francis Anyansi oo ah Wakiil Ku-xigeenka UNFPA
Marwo Foosiya oo ah Madaxa Xafiiska UNFPA ee Hargeysa
Ifraax Maal oo ah Xubin sare oo ka tirsan Xafiiska UNFPA ee Hargeysa
Agaasimaha Qaybta Dhalinyarada ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Mas’uuliyiin iyo Khubaro Kale oo isugu jiray saraakiil sare, la-taliyeyaal iyo farsamo-yaqaanno ka socday labada dhinac. Ka-qaybgalka kulamadan heerka sare ah, waxa ay muujinayaa muhiimadda iyo miisaanka kulanka, iyadoo ay labada dhinacba muujiyeen diyaar garow iyo go’aan adag oo ku aaddan xoojinta iskaashiga, la-tashiga joogtada ah, iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar leh oo loogu talagalay horumarinta dhalinyarada Somaliland.