Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah oo kasoo baxay Wasaaradda
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Somaliland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo safar shaqo ku jooga caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada oo safarkiisu uu socon doono ilaa 25-ka bishan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka rasmiga ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, wasiirka waxaa wehlinaya masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen Cabdi; Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Admiral Axmed Hurre Hariye; iyo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud.
Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Taipei, Wasiir Cabdiraxmaan ayaa saxaafadda la hadlay isagoo uga mahadceliyay xukuuumada Taiwan martiqaadka, isaga oo ka waramay muhiimadda uu safarkani u leeyahay xoojinta xidhiidhka labada dhinac. Wuxuu Taiwan ku tilmaamay "saaxiib dhow oo muhiim u ah Somaliland", isagoo sheegay in labada dhinac ay wadaagaan qiyamka dimoqraadiyadda, xuquuqda aadanaha, iyo ixtiraamka sharciga.
Inta ay joogaan Taiwan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo wafdigiisu waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, Xoghayaha Golaha Amniga, Joseph Wu, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Lin Chia-lung. Waxaa sidoo kale loo sameyn doonaa casho sharaf ay martigelinayso Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Wu Chih-chung.
Sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha Dibadda Taiwan, mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu wado inay meelmaraan inta booqashadani socoto waa saxiixa heshiis iskaashi oo dhanka ilaalinta xeebaha ah oo ay labada dhinac kala saxiixan doonaan.
Sidoo kale, wafdiga Somaliland waxa ay booqan doonaan Hay’adda Caalamiga ah ee Horumarinta Iskaashiga ee Taiwan (TaiwanICDF), si ay uga wada hadlaan mashaariicda socda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dhinac.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in tani ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Wasiir Cabdiraxmaan uu ku yimaado Taiwan tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii December ee 2024, taasoo ka dhigaysa mid si gaar ah muhiim u ah.
Tan iyo markii ay Somaliland iyo Taiwan si rasmi ah isu-waydarsadeen xafiisyo matalaadeed sanadkii 2020, labada dhinac waxa ay yeesheen iskaashi dhinacyo badan ah sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, tiknoolajiyadda, khayraadka dabiiciga ah.
Taiwan waxay sheegtay in ay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka kala dhaxeeya Somaliland, sidoo kale waxay xustay in ay muhiimad wayn u leedahay Taiwan in ay yeelato saaxiibo Afrikaan ah oo aaminsan qiyamka dimoqraadiyadda iyo xorriyadda.