HADHWANAAGNEWS Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro”, oo ku sugan Imaaraadka Carabta, ayaa waraysi uu siiyey Sky News Arabia ku sheegay in arrinta kala go’a Somaliland iyo Soomaaliya ay wakhtigan marayso marxalad gabogabo ah.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Somaliland ay lahayd jiritaan dawladnimo oo madax-bannaan ka hor intii aanay Soomaaliya xornimada qaadan, isaga oo xusay in arrintani ay saldhig u tahay go’aanka Somaliland.
Waxa uu yidhi:
"Kala go’a Somaliland iyo Soomaaliya waa mid wakhtigan maraya gabogabo. Kama go’ayno Soomaaliya maanta, balse annagu dal madax-bannaan ayaanu ahayn xitaa ka hor intii aanay Soomaaliya noqon dal madax-bannaan.”