Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Oo Ku Talaabsatay Horumar iyo Guulo Muhiima

Wednesday July 23, 2025 - 11:09:56
Nidaamkan qorshaynta iyo isku-dubaridka ayaa door muhiim



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeysay horumarinta nidaamka qorshaynta qaranka iyo isku-dubaridka mashaariicda horumarineed. Waxaa la hirgeliyey hannaan casri ah oo isku xidhaya dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha dowladda, kaas oo suurtogal ka dhigay in si habsami leh loo jaangooyo, loona hormariyo isla markaana loo dabagalo barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Nidaamkan qorshaynta iyo isku-dubaridka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in xukuumadda Somaliland ay si wax ku ool ah u fuliso himilooyinka siyaasadeed iyo horumarineed, iyadoo si hufan u maamuleysa kheyraadka dalka iyo gaadhsiinta yoolalka waaweyn ee horumarinta bulshada, dhaqaalaha, iyo adeegyada aasaasiga ah.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa hoggaaminaysa dadaallada jihaynta iyo isku dubaridka qorshayaasha horumarineed ee qaranka. Wasaaraddu waxay si firfircoon uga shaqeynaysaa diyaarinta, hirgelinta, iyo dabagalka qorshayaashan, iyadoo diiradda saaraysa gaadhista yoolalka waafaqsan siyaasadda guud ee xukuumadda ee ku dhisan waxqabad iyo wadajir.

Hoggaaminta Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Siciid Maxamuud ayaa bishii u dambeysay dardargeliyay fulinta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo ka socda guud ahaan dalka, taas oo muujinaysa hal-abuurka iyo firfircoonida Wasaaradda. Waxqabadkan wuxuu cadeyn u yahay sida ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uga go’an tahay inay qaadato kaalinta hoggaamineed ee qorsheynta istaraatiijiyadeed iyo horumarinta qaranka, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha gudaha iyo beesha caalamka, taasoo muujinaysa is-aamin, isla xisaabtan, iyo daryeelka danta guud.

Dardargelinta qorshayaashan waxay dhabbaha u xaadhaysaa koboc dhaqaale, bixinta adeegyo tayo leh, iyo horumar bulsho oo waara, kuwaas oo dhammaantood ah tiirarka himilada qaranka Somaliland. Waxqabadka Muhiimka ah ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka:

  1. Horumarinta Maareynta Xogta Dhulka iyo Biyaha:

Shir istaraatiiji ah oo uu guddoomiyay Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa diiradda lagu saaray mashruuca Maareynta Xogta Dhulka iyo Biyaha. Kulankaasi wuxuu caddeeyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay in la helo nidaam casri ah oo xog ururin iyo khariiradayn dhuleed ah, taas oo muhiim u ah qorsheynta deegaanka iyo maaraynta biyaha, taas oo ay saldhig u tahay ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

 

  1. Xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah:

Kulammo lala yeeshay hay’adaha MedAcross, KfW, FAO, iyo Safaaradda Switzerland ayaa muujiyay horumar la taaban karo oo ku saabsan wada shaqeynta Somaliland iyo beesha caalamka: MedAcross waxay ballanqaadday taageero caafimaad oo gaadhsiineysa bulshada nugul.

Wefti ka socday KfW (Baanka Horumarinta Jarmalka) oo kulan muhiim ah la qaatay madaxda wasaaradda ayaa ballanqaaday mashruuc horumarinood oo diiradda saaraya mashaariic biyo-gelin ah iyo ilaalinta deegaanka.

Kulamo dhex-maray madaxda wasaaradda iyo hay’adda FAO, waxa la iskula qaatay mashaariic horumarineed oo xoogga saaray horumarinta xoolaha, beeraha, iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Safaaradda Switzerland waxay iftiimisay horumarinta adeegyada bulshada iyadoo la eegayo baahiyaha deegaanka.

  1. Dib-u-eegista Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III 2023–2027)

Wasiirka ayaa guddoomiyay shir heer sare ah oo dib loogu eegay Qorshaha Horumarinta Qaranka, iyadoo la falanqeeyay sida mudnaanta qorshuhu ugu waafaqi karo siyaasadaha dowladda iyo himilooyinka Somaliland ee 2030. Tani waxay muujinaysaa doorka Wasaaradda ee isku-duwidda mashaariiaha horumarineed ee dalka.

  1. Maamul Wanaag iyo Isla Xisaabtan

Shirarka toddobaadlaha ah ee Wassaaradda oo ay wada-guddoomiyaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa muujiyay hufnaan maamul iyo nidaam joogto ah oo qiimeeya waxqabadka Wasaaradda. Waxaa la falanqeeyay caqabadaha, iyada oo la dejiyay xalal wax-ku-ool ah, kuwaas xoogga la saaraya isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

  1. Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) – Wajiga 3aad:

Wasaaraddu waxay hoggaamineysaa wajiga saddexaad ee SDF, kaas oo xooga saaraya: horumarinta beeraha; kobcinta xanaanada xoolaha; iyo dardargelinta adeegyada biyaha. Kulammo muhiim ah oo lala yeeshay wasaaradaha kale ayaa lagu go’aamiyay in la dedejiyo hirgelinta mashaariicdan iyadoo la raacayo Qorshaha Qaranka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa 17-kii July 20, 2025, qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo maaraynta xog-ku-salaysan ee mashaariicda horumarineed. Kulanka wadajirka ahaa ee Wasaaradda iyo SOMREP Consortium oo ay ka mid yihiin World Vision, CARE, DRC, iyo Oxfam ayaa astaan u ah bisaylka maamulka mashaariicda Somaliland.

Tallaabadan ayaa muujineysa go’aanka Somaliland ee dhismaha dawladnimo xog-ku-salaysan, iyadoo la adeegsanayo hab-raacyo cad iyo agab qiimeyn oo mideysan si loo hubiyo in dhaqaalaha horumarineed lagu maal-galiyo mashaariic leh saameyn muuqata. Wasaaradda ayaa hoggaaminaysa geeddi-socod xog ururin iyo qiimayn lagu sameynayo sagaal wasaaradood, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaraynta mashaariicda qaranka.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda saaray barnaamijyada EU-BREACH iyo SIDA III, isagoo ka shaqeynaya kobcinta awoodda Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta ah si loo gaadho nidaam qiimayn iyo dabagal waxtar leh. Sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Qiimaynta iyo Daba-galka, Cabdirashid Cabdi Geedi, dadaalladan waxay kor u qaadayaan kalsoonida deeq-bixiyeyaasha iyo waxtarka hay’adaha fulinaya mashaariicda. Gabagabadii, tallaabadani waa mid dhiirrigelinaysa maamul hufan, daahfuran, iyo isla xisaabtan, taas oo Somaliland u horseedi doonta horumar waara oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

Gunaanad

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku tallaabsatay horumar muuqda oo istaraatiiji ah, iyada oo la kaashanaysa beesha caalamka iyada oo ilaalinaysa danaha shacabka. Hoggaaminta Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi iyo Agaasimaha Guud Maxamed Siciid Maxamuud ayaa horseed u noqotay dhaqan gelinta nidaam hufan oo waafaqsan himilooyinka horumarka Somaliland.

Waxqabadkan joogtada ah wuxuu muujinayaa baahida loo qabo in la sii xoojiyo taageerada Wasaaradda, si Somaliland ugu guuleysato yoolka fog ee 2030 mustaqbal ifaya oo ku dhisan wadajir, daahfurnaan, iyo maamul wanaag.

     
Loading...