Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa si diiran u soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya UK, Mudane Siciid Xasan Biixi.

Tuesday July 22, 2025 - 17:43:23
Safiir Siciid Xasan Biixi ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda sida

May be an image of 4 people and text

Xafladda soo dhaweynta ayaa ahayd mid si qurux badan loo abaabulay, iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan jaaliyadda, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro, ganacsato, iyo marti sharaf kale.

Safiir Siciid Xasan Biixi ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda sida ay u muujiyeen taageeradooda iyo soo dhawaynta sharafta leh. Wuxuu ballanqaaday inuu si hufan u gudan doono waajibaadkiisa diblumaasiyadeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo UK, isla markaana la dardargeliyo adeegyada ay safaaraddu siiso muwaadiniinta reer Somaliland ee UK ku nool.

Dhanka kale, xubno ka tirsan jaaliyadda ayaa ku bogaadiyay madaxwaynaha Somaliland magacaabista Safiir leh waayo-aragnimo iyo aqoon sare oo diblumaasiyadeed, iyagoo xusay in ay rajaynayaan in uu kor u qaadayo qaiyada Ictiraaf raadinta ee dalka UK.
May be an image of 5 people, suit and text
May be an image of 3 people
May be an image of 2 people and text
May be an image of 2 people and suit
May be an image of 5 people and text
May be an image of 6 people and text
May be an image of 9 people, suit and text
May be an image of 4 people, dais and text
May be an image of 6 people and suit
May be an image of 4 people and text

     
Loading...