Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa bulshada ugu baaqay inay,...
Gudoomiyaha xisbi xaakimka Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa taageeray baaqii gurmadka abaaraha ee madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisa ku baaqeen inay ugu gurmanayaan dadka abaaruhu saameeyeen ee gobollada Galbeedka Somaliland iyo gobollada Saaxil iyo Sanaag.
Gudoomiye Xirsi ayaa sheegay inay madaxwaynaha iyo xukuumadda ku bar bar taagan yihiin gurmadka dadka abaaraysan, sidoo Kalena ay ka qayb qaadanayaab gurmadkaasi loo fidinayo
Waxaanu yidhi"Waxan taageerayaa baaqii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadiisu ku dhawaaqeen ee abaaraha Awdal iyo Sanaag in loo gurmado iyo meel kasta oo ay ka jiraan culays iyo cidhiidh oo ah dalka Somaliland in la is bar bar taago oo aynu wakhti gelino”.
Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qayb qaataan qaadhaan ururinta iyo gurmadka dalka tabaalaysa ee abaartu ku dhufatay
Waxaanu yidhi"Qaadhaan aynu isku dayno qof walba awoodiisa inuu bixiyo, qofkii gaadhi karaana uu u gurmado,abaarta gobolka Awda loo maalmahan aad looga dayrinayay, taasi ayaan ku celinayaa xukuumadda ku taageersan nahay, ku bar bar taagan nahay, doonaynaa dadka reer Somaliland dhammaan inay isu taagaan, kala qayb qaataan qaadhaan ururinta iyo shaqaada”.