Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Guddida Qaran ee Gurmadka Abaarta JSL

Wednesday July 23, 2025 - 11:11:09
Guddidan cusub ayaa loo xil saaray in ay si hufan uga jawaabaan



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa shalay si rasmi ah u magacaabay guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, taas oo iftiiminaysa masuuliiyadda xukuumadda waxqabad iyo wadajir ee daryeelka bulshada nugul. Iyada oo guddidani u xilsaarantahay ururinta, isku dubaridka, iyo taakulaynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige, ayaa shaaca ka qaaday magacaabista guddidan muhiimka ah, isaga oo sheegay in guddidu ay ka kooban tahay xubno khibrad iyo masuuliyad sare leh oo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda, sidoo kalena ay ka mid yihiin culimo diimeed iyo madax dhaqameed.

Guddidan cusub ayaa loo xil saaray in ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha degdegga ah ee ka dhashay abaarta, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolol maalmeedka malaayiin reer Somaliland ah, gaar ahaan dhinacyada biyo la’aanta, caafimaadka, iyo nolosha xoolaha.

Magacyada xubnaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha ee Somaliland ayaa kala ah sidan:-

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland: Guddoomiyaha Guddida.

Wasiirka Qorshaynta: Xubin

Wasiirka Beeraha: Xubin

Wasiirka Biyaha: Xubin

Wasiirka Caafimaadka: Xubin

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga: Xubin

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada: Xubin

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Xubin

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha: Xubin

Guddoomiyaha Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka: Xoghayaha Guddida

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga: Xubin

Afhayeenka Madaxtooyada: Xubin

Sheekh Maxamed Cali Geeddi: Xubin

Sheekh Siciid Maxamed Faarax: Xubin

Sheekh Maxamed Cali Biixi: Xubin

Magacaabistan ayaa ah tallaabo wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo in la helo koox isku duuban oo ka shaqeysa gurmadka abaarta, iyada oo la adeegsanayo khibradda wasaaradaha dowliga ah iyo doorka culimada iyo madax dhaqameedka, si loo gaadho dadweynaha ugu baahida badan waqtigan adag.

Waxay kaloo guddidan ka shaqeyn doontaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dowladda, kuwa samafalka, iyo bulshada rayidka ah, si loo hubiyo in gurmadka la gaadhsiiyo meel kasta oo ay dhibaatadu ka jirto.

Magacaabista guddidan heer qaran ayaa imaaneysa xilli Somaliland ay wajahday abaar ba’an oo saamaysay nolosha kumanaan qof, taas oo ka dhalatay biyo yaraanta iyo xaaladaha cimilada ee isbeddelaya. Dowladda Somaliland ayaa dadaal ugu jirta in la xaqiijiyo in gurmadka iyo taageerada loogu deeqo dadka ay saameeyeen abaarta ay noqoto mid hufan, isla markaana la isku dubarido.

     
Loading...