Xoojinta Caddaaladda iyo Kalsoonida Bulshada: Doorashada Hoggaanka Cusub ee Ururka Qareenada JSL

Thursday July 17, 2025 - 14:37:20
hadhwanaagnews
Kulankii Wasiirka Caddaaladda la yeeshay guddida qabanqaabada



Xukuumadda Somaliland waxay si firfircoon uga shaqaynaysaa dardargelinta dimuqraadiyadda ururrada xirfadeed, taasoo caddeyn u ah in aanay ku koobnayn hirgelinta doorashooyinka siyaasadeed ee xisbiyada oo kaliya, balse ay sidoo kale fahamsan tahay kaalinta muhiimka ah ee ururrada bulshada rayidka ahi ka qaataan xasilloonida siyaasadeed iyo hirgelinta adeegyada sharciga ah.

Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) ayaa ka mid ah ururrada xirfadeed ee ugu miisaanka weyn, iyadoo qareenadu aanay ahayn oo kaliya wakiillo sharciyeed oo maxkamadaha ka howlgala, balse ay yihiin tiir muhiim ah oo kaabaya la dagaallanka xadgudubyada iyo ilaalinta madax-bannaanida, waxtarka, iyo xorriyadda nidaamka garsoorka.

Kulankii Wasiirka Caddaaladda la yeeshay guddida qabanqaabada doorashada SOLLA, murrashaxiinta, iyo hoggaankii hore wuxuu muujinayaa sida dowladda Somaliland ay u aragto doorashada ururkan inay tahay arrin qaran oo ka madax bannaan dano gaar ah. Tani waa tallaabo cad oo muujinaysa in dawladda ay ka go’an tahay xoojinta dimuqraadiyadda gudaha ururrada xirfadeed.

Kulankii Wasiirka iyo guddida qabanqaabada doorashada wuxuu tusaale u yahay dawladda ka shaqaynaysa kobcinta nidaam garsoor oo leh isla xisaabtan iyo furfurnaan. Tani waxay kor u qaadaysaa sumcadda Somaliland ee gudaha iyo dibadda, gaar ahaan marka lala hadlayo beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha doonaya inay taageeraan nidaamyo garsoor oo la isku hallayn karo. Xukuumaddu waxay caddeysay in ururrada xirfadlayaashu ay u madax-bannaan yihiin doorashadooda, iyadoo kaalin firfircoon ka qaadanaysa kor u qaadista geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, xirfadda, iyo hufnaanta ururrada dalka, taasoo xoojineysa aragtida ah in Somaliland tahay dal sharci iyo kala dambeyn ku dhisan oo doorbidaya nidaam dawlad-civili ah oo dheelitiran.

Marka doorasho madax-bannaan oo hufan laga hirgeliyo SOLLA, waxay u suurta gelinaysaa Wasaaradda Caddaaladda inay si rasmi ah ula shaqeyso urur xirfadeed oo sharciyeysan, kaasoo kaalin weyn ka qaadan kara dib-u-habaynta nidaamka sharciga, sida dib-u-eegista xeerarka dalka, xoojinta xafiisyada u dooda xuquuqda aadanaha, iyo wacyigelinta bulshada ee garsoorka iyo helitaanka adeegyada caddaaladda.

Sidoo kale, doorashadani waxay fursad u tahay in la dhiso madal wadatashi qaran oo garsoorka ah, oo ay ka wada qayb qaataan Wasaaradda, SOLLA, Maxkamadaha, Guddida Xuquuqda Aadanaha, iyo bulshada rayidka ah, taasoo gacan ka geysan doonta dhismaha istaraatijiyad qaran oo caddaaladeed, kana dhigaysa dalka mid helaya taageero ballaadhan oo caalami ah.

Doorashooyinka hufan ee ka dhaca ururrada sida SOLLA waxay muujinayaan bisayl siyaasadeed oo bulsho iyo dawladba, waxayna cabbirayaan heerka xorriyadda hadalka, tartanka furan, iyo ixtiraamka kala duwanaanta fikradaha. Habsami u socodka doorashadani waa tijaabo muujinaysa sida Somaliland ugu sii dhowaanayso dowladnimo dastuuri ah oo qaan-gaadh ah.

Qareenadu waxay leeyihiin saameyn toos ah oo ku saabsan sharciyadda, matalaadda dadweynaha, iyo hufnaanta garsoorka, sidaas darteed hoggaan urureed oo tayeysan oo ku yimaada doorasho xor ah wuxuu xoojinayaa awoodda sharci-dhowrista ee qaranka. Tani waa siyaasad la wax ku ool.ah oo ku dhisan awood xirfadeed iyo anshax bulsho.

Doorashada SOLLA; waa tijaabo qaran oo lagu eegayo halbeegyada cadaaladda, madax-bannaanida garsoorka, iyo sumcadda nidaamka sharciga. Waa fursad Somaliland uga caddeyn karto in dimuqraadiyadeedu aanay ku koobnayn xisbiyo siyaasadeed oo keliya, balse ay saldhig u tahay hay’adaha xirfadeed iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Wasaaradda Caddaaladdu waxay si sharaf leh u difaacaysaa kala sarreynta awoodaha, madax-bannaanida ururrada, iyo ilaalinta nidaamka doorasho xor ah, taasoo astaan u ah isbeddel nidaamsan oo lagu gaadhi karo dawladnimo dhab ah oo ku dhisan hannaan sharciyeed oo hufan.

     
Loading...