Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Daah-furtay kulan lagu Gorfaynayay horumarinta kaabayaasha Ganacsiga

Monday July 21, 2025 - 11:11:48
hadhwanaagnews
Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga....



Qormada Todobaadkan ee arimaha Ganacsiga waxaan kaaga hadli doonaa kulan ay dhawaan qabtay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland oo ku hawlan sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga kala duwan ee Dalka, furitaanka Madasha Wada-tashiga: Somaliland Trade and Logistics Platform Roundtable Workshop, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo horumarinta kaabayaasha ganacsiga iyo saadka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Jawhar Siciid Warsame. Sidoo kale, waxa wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Xuseen Aadan, sidoo kale madasha waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaadiidka Mudane Osman Ibrahim Nour (Afgaab) iyo Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland, iyo Jamie Simpson

Director, Triple Line Consulting kuwaas oo muujiyey taageeradooda ku aaddan horumarinta ganacsiga iyo saadka dalka iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Triple Line Consulting, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay kobcinta iskaashiga ka dhexeeya dowladda, ganacsatada, iyo daneeyayaasha kale ee door ku leh horumarinta ganacsiga iyo saadka ee Somaliland.

Madashu waxay iftiiminaysaa doorka ay Somaliland ku leedahay horumarinta ganacsiga gobolka, iyadoo la dardargelinayo habraacyada fududeynta ganacsiga (Trade Facilitation), kor u qaadista hufnaanta saadka (Logistics), iyo xoojinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka

Furitaanka shirkan Waxa ugu horayn ka hadlay wasiir ku xigeenka Wasaaraddaa waxaanu yidhi "shirkeenan manta aynu halkan u fadhino ee Somaliland Trade and Logistics laba qodob ayaa u muhiimsan oo kala ah inaan dib u eegsi ku samayno hanaanka Ganacsi ee Somaliland iyo adeegyada Logistics ee Somaliland si loo fahmo horumarka loona gaadho horumar waara dalka oo dhan iyo in la garto sida ugu haboon ee loo dhisi karo hanaan dawladeed oo lagu midaysan yahay”.

Qodobada Muhiimka ah ee ay Madashani Muujisay:

Bisaylka Hay’adaha Qaranka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyada oo kaashanaysa daneeyayaal ay ka mid yihiin Wasaaradda Gaadiidka, Maareeyaha Dekedaha, iyo khubaro caalami ah sida Jamie Simpson, waxay muujisay diyaar-garow istiraatiiji ah oo lagu doonayo in dib u eegis qoto dheer lagu sameeyo hannaanka ganacsi iyo saadka ee dalka, si loogu dhiso jawi tartan furan, hufnaan isla markaana leh isku xidhnaan dhul iyo bad ah.

Iskaashiga Dhabta ah ee Dawladda iyo Ganacsatada:

Shirkan wuxuu furay bog cusub oo wada-tashi iyo wada-shaqayn qaran ah oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada gudaha, si wadajir loogu horumariyo kaabayaasha ganacsi ee muhiimka u ah koboca dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha, waddooyinka, nidaamka cashuuraha, iyo habraacyada xuduudaha.

Aragti Xooggan oo ku Salaysan Xog-ururin:

Warbixinnada laga soo jeediyay safarrada shaqo ee ay masuuliyiinta wasaaraddu ku tageen magaalooyinka sida Wajaale, Burco, iyo Ceerigaabo, ayaa ka tarjumaya xeel-dheerida qorsheynta hawlaha horumarineed ee ay gacanta ku hayso, iyadoo la tixraacayo caqabadaha dhabta ah ee ka jira suuqyada gudaha, sida sarifka kala duwan ee lacagaha, gaadiidka xuduudaha isaga goosha, iyo xaaladda xabkaha iyo faleenka, taas oo todobaadkan lagu soo bandhigay shir hawleedka todobaadlaha ah ee wasaaraddas.

Isla Xisaabtan iyo Maamul Hufan:

Kulankii toddobaadlaha ahaa ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Ganacsiga ayaa lagu xoojiyay muhiimadda, joogitaanka shaqaalaha, hirgelinta awoodda fulinta ee madaxweynaha, iyo dardar-gelinta shaqada waaxyaha si loo dhiso wasaarad la jaanqaadi karta baahiyaha qarnigan.

Madasha Wada-tashiga Ganacsiga iyo Saadka waxa ay fure u noqon kartaa: In Somaliland hesho hannaan casri ah oo isku xidha ganacsiga dekedaha, xuduudaha, iyo suuqyada gudaha. In la dardar-geliyo maalgashiga kaabayaasha saadka iyo in la helo jawi sharci iyo hab-maamul sugan oo lagu kalsoonaan karo iyo In la helo xog ururin rasmi ah oo sal u noqon karta qaabaynta siyaasado ganacsi oo waafaqsan xaqiiqada suuqyada deegaanka.

MadashaN Wada-tashiga Ganacsiga iyo Saadka ee Somaliland (Somaliland Trade and Logistics Platform Roundtable Workshop) ayaa noqotay madal istaraatiiji ah oo dhiirrigelin u ah qorsheyaasha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Madashan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo hay’adda caalamiga ah ee Triple Line Consulting, waxay ujeedadeedu ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, ganacsatada, iyo daneeyayaasha kale si loo hormariyo kaabayaasha ganacsiga iyo saadka.

Dhammaan arrimahan kor ku xusan waxay ka tarjumayaan in Somaliland ay si dhab ah u wajahday qorsheynta iyo hirgelinta horumar dhaqaale oo fog, iyadoo la adeegsanayo wada-tashi, xog-ururin, iyo iskaashi qaran iyo caalami ah. Madasha Wada-tashiga Ganacsiga iyo Saadka waxay noqon kartaa tallaabo bilow ah oo u gogol-xaaraysa nidaam ganacsi oo casri ah, hufan, isla markaana tartan geliya Somaliland guud ahaan gobolka.

     
Loading...