Soomaaliya oo Ka Cadhootay Ictiraafka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Somaliland

Saturday August 16, 2025 - 11:00:55
hadhwanaagnews
Wasiirka Caddaaladda Somaliland,Yonis Axmed Yonis


Xukuumadda Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujisay xidhiidhka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Dawladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Mareykanku ku muujiyey daneynta gaar ah ee uu la leeyahay Somaliland, ayaa gilgiley masraxyada diblomaasiyadeed ee gobolka, kana abuuray xasaasiyad siyaasadeed gudaha Muqdisho.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa si cad u muujiyey sida Dawladda Federaalka uga soo horjeedo tallaabo kasta oo Mareykanku ku muujiyo aqoonsi buuxa ama xidhiidh gaar ah oo uu la yeesho Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa muujisay in ay diyaar u tahay in ay qaadayso talaabo kasta oo ay ku hor istaagi karto xoojinta xidhiidhkaasi.

Wasiirka Caddaaladda Somaliland,Yonis Axmed Yonis, ayaa si kulul uga falceliyey bayaanka kasoo baxay safaaradda Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay qoraalkaasi mid liita oo xambaarsan cabsi iyo colaad siyaasadeed.

"Qoraalku waxa uu muujinayaa in Dawladda Soomaaliya ay si cad u adeegsaneyso halista kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab si ay cadaadis ugu saarto Mareykanka, iyada oo weerar ku ah danihiisa gobolka," ayuu yidhi Wasiir Yonis.

Waxa uu intaa ku daray in balaayiin dollar uu Mareykanku ugu deeqay dhismaha ciidamada Soomaaliya hadda loo adeegsanayo inay la dagaalamaan Somaliland halkii lagaga hortagi lahaa argagixisada dhabta ah ee khatarta ku ah gobolka oo dhan.

Inkasta oo Mareykanku aanu si rasmi ah u aqoonsan Somaliland, hadana xidhiidhka labada dhinac ayaa muddooyinkii dambe gaadhay meel sare, waxaana socda wada hadallo ku saabsan horumarinta xidhiidhka dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Somaliland ayaa heshay taageero isa soo taraysa oo gudaha Kongareeska Mareykanka ah, waxaana jira olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay wado si ay u hesho aqoonsi buuxa oo caalami ah.
     
Loading...