Xisbiga KAAH oo Senator Ted Cruz ku Bogaadiyay Baaqii Aqoonsiga Somaliland

Saturday August 16, 2025 - 10:18:31
hadhwanaagnews
"Waa in danta guud ee Qaranka laysu kaashadaa, qaddiyadda



Xisbiga mucaaridka ah ee KAAH ayaa shalay si rasmi ah u bogaadiyay Mudane Ted Cruz, oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Mareykanka, kadib markii uu Madaxweyne Donald Trump u diray baaq ku saabsan in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KAAH, Dr. Barkhad M. Kaariye, ayaa lagu muujiyay taageerada buuxda ee xisbiga uu u hayo Mudane Cruz iyo dhammaan saaxiibbada kale ee caalamka ee garab taagan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KAAH, Dr. Barkhad M. Kaariye, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxa lagu yidhi sidan "Xisbiga KAAH wuxuu si buuxda u bogaadinayaa dadaalka Mudane Cruz iyo siyaasiyiinta kale ee taageersan xaqa iyo qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waa mid dhiirrigelin u ah bulshada Somaliland ee doonaya mustaqbal wanaagsan iyo nabad waarta.”

Xisbiga KAAH wuxuu sidoo kale ku baaqay in la mideeyo dadaallada qaran si loo helo garab istaag buuxa oo caalami ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in arrimaha masiiriga ah laga wada hadlo si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

"Waa in danta guud ee Qaranka laysu kaashadaa, qaddiyadda Qarannimadana meel looga soo wada jeestaa,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Xisbiga KAAH ayaa marar badan muujiyay in uu diyaar u yahay inuu kaalin mug leh ka qaato dadaallada lagu horumarinayo qaddiyadda Somaliland iyo guud ahaan danaha guud ee dalka.

     
Loading...