Xildhibaanadu waxay doonayaan in la sameeyo sharci cusub ...
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la horgeeyay mooshin ku saabsan samaynta Xeerka Amniga Qaranka, kaas oo ah sharci cusub oo lagu hagaajinayo amniga guud ee dalka.
Mooshinka waxa Golaha ka hor akhriyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Mudane Siciid Faarax Mirre Giire, isagoo sheegay in mudaneyaasha mooshinkan soo gudbiyay ay sheegeen in muddadii 34 sano ahayd ee Somaliland, ay jirtay aanay lahayn xeer guud oo amniga qaranka qeexaya, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo.
Mooshinkan waxa si rasmi ah u saxeexay 17 mudane, kuwaas oo codsiga ku gudbiyay si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha.
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay in mooshinka loo gudbin doono la-taliyaha sharciga ee Golaha, si loo hubiyo inuu waafaqsan yahay dastuurka.
Xildhibaanadu waxay doonayaan in la sameeyo sharci cusub oo amniga qaranka hagaya, maadaama Somaliland aanay hore u lahayn sharci guud oo arrintan khuseeya.
Mudaneyaaasha saxeexay.
Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje)
Xildhibaan Xasan Cumar Xasan
Xildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil
Xildhibaan Xirsi Cabdillaahi Xirsi
Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan
Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir
Xildhibaan Cabdirashiid Cabdillaahi Muuse
Xildhibaan Nuuradiin Axmed Dayib
Xildhibaan Axmed Maxamed Hure
Xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdulle
Xildhibaan Faysal Yuusuf Jaamac
Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Jaamac
Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse
Xildhibaan Jamaal Cali Aadan
Xildhibaan Jaamac Abokor Maxamed
Xildhibaan Yuusuf Saleebaan Kulul
Xildhibaan Siciid Jaamac Xasan