Fursadaha Aqoonsiga Somaliland ee USA iyo Saadaasha Talyaaniga iyo Midawga Yurub" The Reporter

Monday August 18, 2025 - 11:07:38
hadhwanaagnews
Jawaabta Trump waxay kicisay dareen-celinno kala duwan: Soomaaliya



Somaliland, oo muddo soddon sannadood gaar ka ahayd Soomaaliya, ayaa wali ku dadaalaysa sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah, iyadoo siyaasadda "is-weydaarsi” ama give-and-take diplomacy ay u muuqato mid sii kordheysa. Maraykanka, Turkiga, dawladaha Khaliijka, Shiinaha iyo kuwo kale ayaa danaynaya arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee Badda Cas, halka Somaliland ay diyaar u tahay inay danaha qaarkood u beddesho si ay u hesho madaxbannaani buuxda.

Warbixntan oo wargeyska The Reporter ee dalka Itoobiya baahiyey Sabtidii 16 August, 2025 ayaa lagu bilaabay: Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan Somaliland, wuxuu yidhi, "Waanu eegaynaa arrintaas hadda. Su’aal wanaagsan, arrin adag laakiin waanu ka shaqaynaynaa.” Inkasta oo jawaabtiisu ay ahayd mid aan caddayn, haddana waxay daba socotaa tallaabooyin hore oo Maraykanku qaaday, sida hindise sharciyeedka ‘Somaliland Independence Act’ oo uu soo jeediyay Congressman John Scott Perry bishii June, iyo booqashadii wufuud sare oo Maraykan ah oo ay hoggaaminayay General Michael Langley oo tagay Hargeisa.

Jawaabta Trump waxay kicisay dareen-celinno kala duwan: Soomaaliya ayaa ka xanaaqsan, halka Somaliland ay u dabaal-degtay. Somaliland waxay rumaysan tahay in Trump uu saxeexi doono aqoonsiga, halka Mogadishu ay ku doodo in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxman Daahir Adan, ayaa sheegay in Somaliland ay tahay waddan nabdoon oo dimuqraadi ah, isla markaana wadahadal kasta oo lala yeesho dalalka saaxiibka ah uu noqon doono mid daahfuran oo ixtiraamaya qarannimada iyo qiyamka dimuqraadiga ah.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Maraykanku, inkasta oo uusan si rasmi ah u xaqiijin, haddana waxaa laga yaabaa inuu ka fikirayo inuu Somaliland u isticmaalo saldhig milatari si uu ula dagaallamo Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo khatar ku ah danaha reer galbeedka ee Badda Cas. Constantinos Berhe Tesfa, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa sheegay in Maraykanku u baahan yahay Somaliland si uu u xakameeyo Xuutiyiinta, isagoo xusay in aqoonsiga Somaliland uu noqon karo mid caqli-gal ah oo aan waxba ka lumin Maraykanka.

Wuxuu intaas ku daray in Talyaaniga, oo mar ka soo horjeeday aqoonsiga Somaliland, hadda uu beddelay mowqifkiisa, gaar ahaan xukuumadda Giorgia Meloni, taasoo aan dan ka lahayn in Soomaaliya midaysan tahay iyo in kale. Haduu Maraykanku aqoonsado, Talyaaniga iyo Midowga Yurub way ku khasbanaan doonaan inay ku deydaan. Isagoo tixraacaya xuquuqda is-xukunka ee ku qoran Axdiga Qaramada Midoobay, Constantinos wuxuu yidhi Somaliland waxay u qalantaa aqoonsi sida dalal kale oo cusub sida Eritrea iyo South Sudan.

Somaliland, oo madaxbannaanida kala soo noqotay Soomaaliya 1991, waxay ilaashatay nabad iyo dimuqraadiyad, waxayna qabatay doorashooyin badan oo dimuqraadi ah, inkasta oo aan weli helin aqoonsi caalami ah. Warbixinta Freedom House ee 2025 waxay Somaliland ku tilmaantay ‘xor qayb ahaan’, iyadoo siisay 43 dhibcood, halka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea lagu tilmaamay dalal ‘aan xor ahayn’.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Cabdiraxman Moxamed Cabdillahi (Irro) uu dhawaan booqasho ku tagayo Washington iyo Addis Ababa, isagoo sheegay in baarlamaanka Somaliland uu ka fiirsanayo sharci cusub oo ku saabsan safaaradaha iyo dublamaasiyadda, maadaama ay ku jiraan geedi socodka aqoonsiga rasmiga ah.


     
Loading...