(Wasiir Khadar Xuseen)Somaliland Waxay Diyaar u Tahay In Ay Saaxiib Dhab ah La Noqoto USA

Saturday August 16, 2025 - 10:23:58
hadhwanaagnews
Wasiirka Madaxtooyaddu wuxuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya
May be an image of 2 people, dais and text


Wasiirka Madaxtooyadda Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay inay noqoto saaxiib lagu kalsoonaan karo oo wadajir ula shaqeysa Maraykanka iyo xulafadiisaba.


Wasiirka madaxtooyaddu wuxuu sidaas ku iftiimiyay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, Waxaannu shaaciyay in Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto dedaal cusub oo ay ku doonayso inay ku hanato aqoonsi caalami ah.

Wasiir Khadar Xuseen wuxuu ku dooday in Somaliland wax wada qabsi muhiim ah ku biirin karto Maraykanka iyo xulafadiisa.

Wasiirka Madaxtooyaddu wuxuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya inay kooxaha argagixisada u adeegsanayso inay u isticmaalaan Aallad ku saameeyaan go'aamada siyaasad dhaliyeyaasha Maraykanka.

Wasiirka madaxtooyaddu waxa kaloo uu tilmaamay in nidaamka Muqdisho ay ku foogan yihiin inay qulqulatooyin ka abuuraan gobolka.

Wasiir Khadar Xuseen wuxuu intaas ku daray inay Somaliland ka go'an tahay inay xasillooni ka horseedo mandaqada iyo in ay abuurto iskaashi ballaadhan oo waxtar leh.
     
Loading...