hadhwanaagnews
Siyaasi Maxamed Aadan Ibraahim (Qabyo-tire) ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay si masuuliyad leh u bixiyaan cashuurta GST (Cashuurta Iibka), isaga oo sheegay in dakhliga cashuuruhu yahay tiirka ugu muhiimsan ee ay ku shaqeeyaan dowladaha dunidu.
Qabyo-tire ayaa xusay in bulshada Somaliland ay leedahay faham iyo wada-shaqayn wanaagsan, hase yeeshee loo baahan yahay in la sii kordhiyo wacyiga ku saabsan muhiimadda cashuuraha iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta adeegyada dowladda iyo koboca dhaqaalaha.
Waxa uu tilmaamay in dakhliga ugu badan ee Somaliland hadda uu ka yimaaddo cashuuraha kastamyada, balse dalalka horumaray ay inta badan ku tiirsan yihiin Cashuurta Iibka (GST), taas oo laf-dhabar u ah dhaqaalahooda.
Waxa uu yidhi:
"Dawladdii cashuur la’aan ma socon karto. Cashuurta aynu ku tiirsannahay maanta waa kastamka, balse cashuurta dunidu ku nooshahay waa cashuurta iibka (GST).”
Qabyo-tire ayaa ku boorriyey bulshada iyo ganacsatada inay ka qayb qaataan hirgelinta iyo bixinta cashuurta GST-ga, isaga oo sheegay in tallaabadaasi ay xoojin karto dakhliga gudaha, kobcin karto dhaqaalaha dalka, isla markaana dowladda u suurto gelin karto inay bixiso adeegyo tayo leh oo ay bulshada uga baahantahay.