Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland: "Xoolaha Nool Waa Laf-dhabarta Dhaqaalaha Waddankeena"

Thursday October 29, 2026 - 02:10:11
hadhwanaagnews
Wasiirku waxa uu sheegay in xoolaha nool ay laf-dhabar u yihiin d



Hadhwanaagnews – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shuceyb, ayaa ku baaqay in la maalgashado xoolaha nool, isla markaana loo sameeyo calafka iyo biyaha ay u baahan yihiin.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in xoolaha nool ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka, isaga oo ganacsatada iyo dadka dhaqaalaha haysta ugu baaqay inay maalgashadaan xoolaha, una diyaariyaan baahiyahooda aasaasiga ah.

 

"Xoolaha nool waa laf-dhabarta dhaqaalaha waddankeena. Dadkeena dhaqaalaha haystaa waa inay xoolaha maalgashadaan oo ay u sameeyaan calafkii iyo biyihii ba. Xoolaheenu kuma dhaqmi karaan habkii hore ee deegaanku wanaagsanaa, waxaynu se ku dhaqi karnaa habka casriga ah ee xoolaha loo dhaqo,” ayuu yidhi Wasiir Cumar Shuceyb.

     
Loading...