Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo hor leh oo muujinaysa aragti siyaasadeed iyo faham istaraatiji ah oo ku wajahan horumarinta dhaqaalaha dalka, ka dib markiiGuddida Dejinta Siyaasadda Miisaaniyadda 2026ay qabatay todobaadkan fadhigeedii ugu horreeyay, oo ka dhacay xarunta dhexe eeWasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Shirkan ayaa daaha-ka-fayday diyaarinta qorshe ballaadhan oo lagu doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha iyo dardar gelinta horumarka dalka.
Kulankan oo uu guddoomiyey Wasiirka Maaliyadda Horumarinta Maaliyadda JSL,Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha dawladda ee saamaynta tooska ah ku leh koboca dhaqaalaha dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Wasaaraddaha, Horumarinta Caafimaadka, Horumarinta Khayraadka Biyaha, Waxbarashada , Barbaarinta iyo Sayniska, Horumarinta Beeraha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajidda, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ee Dawladda.
Sidoo kale, kulanka Guddida Dejinta Siyaasadda Miisaaniyadda waxa uu si cad u iftiimiyaa isfaham qaran oo ku dhisan aragti dheer, iyada oo doodaha iyo go’aamada ka soo baxay shirkaasi ay saldhig u yihiin qorshe miisaaniyadeed oo Somaliland u horseedi kara koboc dhaqaale oo waara, shaqo abuur ballaadhan, iyo yareynta saboolnimada. Himilooyinkan ayaa muujinaya in Somaliland ay u socoto jiho cusub oo miisaaniyadda qaranka ka dhigaysa mid udub-dhexaad u noqota horumar wax-ku-ool ah, isla markaana leh saameyn togan oo toos ah oo lagu gaadhi karo yoolalka qaran.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay fadhiga hortiisa keentayXaashida muuqaalka guud ee Miisaaniyadda (Budget Outlook Paper), kaas oo ah dukumeenti siyaasadeed oo gun-dhig u ah dejinta siyaasadda Miisaaniyadda kal-danbe {2026}. Isla markaana hagaya jihada loo marayo. Dukumeentigan wuxuu sal u yahay qorshayn miisaaniyadeed oo ka tarjumaysa:Korodhka dakhliga gudaha, iyadoo aan la dhaawacayn dhaqaalaha yaryar.Kobcinta wax-soo-saarka gudaha.Maalgelinta kaabayaal dhaqaalesida waddooyin, biyo-xidheeno, iyo isgaadhsiin casri ah,Xoojinta iskaashiga dawladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (PPP)iyoMiisaaniyad wax-soo-saar abuurta, halkii ay ka ahaan lahayd kaliya miisaaniyad ku salaysan isticmaal kharash.
Go’aanka ah in miisaaniyadda 2026 diiradda la saaromaalgashiga wax-soo-saarka iyo korodhka GDP-ga, halkii laga sii wadi lahaa dhaqanka miisaaniyadaha qaybsiga ku kooban, waa isbeddel muhiim ah oomuujinaya faham qaran oo ku saleysan koboc dhaqaale oo la taaban karo. Somaliland waxay si tartiib ah u dhisaysaa dhaqaale u adkaysan kara caqabadaha gudaha iyo saameynta suuqyada caalamka.
Fadhigii Guddida: Aragti qoto dheer iyo talooyin wax-ku-ool ah
Kulanku wuxuu si qoto dheer u falanqeeyay: Saameynta isbeddellada dhaqaalaha dunida ee Somaliland ku yeelan kara saamaynta, Fursadaha cusub ee maalgashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah iyo Duruufaha ganacsiga, sicir-bararka, iyo kharashka nolosha.
Guddidu waxay garwaaqsatay in horumarka dhaqaaluhu yahay laf-dhabarta xasilloonida siyaasadeed, tayada adeegyada bulshada, iyo suurtogalnimada shaqo-abuurka dhallinyarada.Sidaas darteed, waxay go’aansatay in la dejiyo miisaaniyad cusub oo noqota aalad wax-ku-ool ah oo horumarineed.
Gunaanad:
Kulankan Guddida Dejinta Siyaasadda Miisaaniyadda 2026 wuxuu tusaale u yahaybisaylka maamul ee ay gaadhay Somaliland,dalku wuxuu hadda galayaa marxalad cusub oo miisaaniyaddu noqonaysoqalab horumarineed oo leh ujeeddooyin cadcad, istaraatijiyad waqti-dheer ah, iyo firfircooni maaliyadeed.
Miisaaniyadda 2026 waxay noqon doontaa tiir-dhexaad cusub oo lagu gaadhi karo yoolalka horumarineed ee Qaranka, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayomaalgashiga wax-soo-saarka, la xoojinayowada-shaqaynta hay’adaha, lana abuuroisfaham u dhexeeya dawladda iyo ganacsatada. Waa aragti kobcinaysa kartida dawladeed ee lagu xaqiijin karo himilooyinka bulshada.
Somaliland waxay tusaale kale u noqotaydawlad yar oo niyad weyn leh, ujeeddadeeduna tahay in miisaaniyaddu aanay kaliya noqonin miisaan xisaabeed, balse ay noqotomuraayad laga arko jihada qaranku u socdo.