Guddoomiyaha hay'adda shaqaalaha dowladda Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame
Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Insaanka ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan xog-warran ah la yeeshay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Guddida Caddaaladda Qaranka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa waxaa guddoomiyay Guddoomiye Jamaac Cali Adaana (Jaah), waxaana ka qaybgalay dhammaan xubnaha guddida.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo xog dheeraad ah oo la xidhiidha waayo-aragnimada, doorka shaqo, iyo aragtida xubin ka tirsan Guddida Caddaaladda.
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay shaqadiisa, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee hay’adaha caddaaladda, waxa uu si gaar ah u adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowliga ah si loo helo nidaam caddaaladeed oo hufan oo shacabka u adeega.
Guddida Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Insaanka ee Golaha Wakiillada, ayaa ku boggaadisay soo ajiibista ay soo ajiibeen