Saddexda maxkamadood ee Somaliland iyo xaaladda caddaaladda ee dalka.

Saturday November 01, 2025 - 15:28:15
hadhwanaagnews
Nooca Maxkamadda lagu Kalsoon yahay iyo Awoodda Sharci



*Saddexda Maxkamadood ee Somaliland:
Caddaalad Isdaba Jiidday iyo Kalsoonidii Shacabka oo Luntay

Qalinkii: Cali Biixi

Caddaaladdu waa tiirka ugu weyn ee dawladnimo kasta ku taagan tahay.
Waa miisaanka lagu qiyaaso xoriyadda, sinnaan la’aanta lagu saxo, iyo meelaha mugdiga ah ee bulshada lagu ifiyo. Somaliland, oo 34 sano ka badan ku jirtay dhismaha dawladnimo, haddana waxay maanta taagan tahay meel murugo leh,
meel ay saddex maxkamadood is garab socdaan, balse midna aan bulshadu ku kalsoonayn.

1- Maxkamadda Sheekh Dirir , Codka Shacabka iyo Caddaaladdu ka Muuqato.

Maxkamadda uu hogaamiyo Sheekh Dirir waa mid ka dhalatay kalsoonida bulshada dhexdeeda ka soo baxay.
Waa maxkamad diin iyo garsoor isku lammaan, oo dadka u arkaan meel aan la musuqin, aan la eexan, oo hadalka Alle iyo xukunka shareecada ku dhisan.
Dad badan ayaa ku tilmaama maxkamadda Sheekh Dirir "maxkamadda qalbiga shacabka" meel uu qofku aaminsan yahay in hadalkiisa la maqlo, dacwaddiisana si cadaalad ah loo eego.
Waa halka uu qofka dulman dareemo in uu xaq u leeyahay, halka uu kalgacal iyo kalsooni ka helo,
halka ay dawladnimadu ka dhisan tahay, inkastoo aanay rasmi dawliya ahayn.

2- Maxkamadaha Qaranka , Sharciga Dastuurka iyo Mugdiga Kalsoonida:

Marka xigta waa maxkamadaha rasmiga ah ee dawladdu leedahay kuwa dastuuriga ah ee hoos yimaada saddexda waaxood ee xukuumadda:

1- Maxkamadda Dastuuriga ah

2-
Golaha Sharci-dejinta (Baarlamaanka)

3-
Golaha Fulinta (Xukuumadda)

Waaxdan garsoorka ah, oo ah tiirkii ugu sareeyay ee caddaaladda dawladnimo, ayaa noqotay mid dadku ka jeesteen. Sababta? Musuq maasuq, eex, siyaasad, iyo kalsooni la’aan.
Shacabka intooda badan waxay arkaan in xukunka aan lagu salayn gar iyo xaq, balse lagu saleeyo dano, kursi, iyo cidda xukunka haysata ama kacag badan bixisa. Maxkamadda Dastuuriga ah, oo ahayd in ay noqoto tii ilaalin lahayd xuquuqda muwaadinka iyo dastuurka dalka, waxay u muuqataa mid u hnjeedha dhinac siyaasadeed iyi musuq maasuqa, halkii ay u garsoori lahayd si hufan oo hufnaan leh oo xaq ah.

3- Maxkamadaha Qabiilka iyo Reeraha , Xeerka Dhaqanka iyo Kalsoonida Taariikhda:

Marka la eego dhinaca kale, maxkamadaha qabiilka iyo odayaasha dhaqanka waa tiir taariikhi ah oo bulshada Somaliland weli ku tiirsan tahay.
Waa maxkamad aan lahayn dhisme, balse leh kalsooni iyo aqoon dadnimo.
Dacwad kasta oo dawladdu ka gaabiso ama siyaasadu ku dhex lunto, waxay ku dambaysaa miiska odayaasha. Halkaas ayaa lagu xukumaa, lagu heshiiiyaa, laguna heshiisiyaa.
Qof kasta oo dulman wuxuu ogaaday in haddii uu maxkamadda xukuumadda tago uu jaahwareer ku soo noqonaayo, balse haddii uu odayaasha u tago uu gar heli karo,
xitaa haddii aysan qalin iyo qareenba joogin.

Isbarbardhiga Saddexda Maxkamadood.

Nooca Maxkamadda lagu Kalsoon yahay iyo Awoodda Sharci

Heerka Kalsoonida Shacbi.

Maxkamadda Sheekh DirirDadka diinta jecel & shacabka caadiga ahSharci Diini ah (Shareeco)Aad u sareeyaCaddaalad iyo daacadnimo

Maxkamadaha QarankaDawladda iyo siyaasiyiintaDastuur & QaanuunAad u hooseeyaSiyaasad iyo musuq maasuq.

Maxkamadaha QabiilkaBeelaha & odayaasha dhaqankaXeer dhaqameedDhexdhexaad ilaa heer sareHeshiis iyo is-afgarad .


*Gunaanad: Caddaaladdu Waa Lafdhabarta Dawladnimada.

Dawlad kasta oo rabta in ay waarto waa in ay heshaa kalsoonida shacabka.

Kalsooni la’aanta garsoorku waa bilowga burburka dawladnimo.

Somaliland waxay maanta u baahan tahay in ay dib u dhisto kalsoonidii cadaaladda, si ay dadku ugu arkaan maxkamadda rasmiga ah meel gar lagu helo, ee aanay noqon mid gar la’aan lagu helo.

Sheekh Dirir wuxuu muujiyay in caddaaladdu aysan u baahnayn dhisme, balse ay u baahan tahay daacadnimo. Odayaasha dhaqankuna waxay muujiyeen in xalka bulshada uu ku jiro runta iyo heshiiska, halka maxkamadaha dawladuna ay wali la tacaalayaan musuq maasuq iyo siyaasad.

Haddii saddexdaas waaxood la mideeyo diin, dastuur,
iyo
dhaqan , waxaa dhalan kara nidaam caddaaladeed oo ay Somaliland ku faanto, kuna salaysan kalsooni, cadaalad, iyo run iyo xaq.

Caddaaladdu waa ubaxa dawladnimada ,
marka ay engegto, dawladdu waa engegaa.



Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...