"Dhallinyaradu waa awoodda Qaranka, ha is dhiibina"Wasiirka shaqada.

Tuesday August 12, 2025 - 14:39:26
hadhwanaagnews
Wasiir Milgo ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii dhallinyaradu


Wasiirka Wasaaradda shaqada, arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, Marwo Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe, ayaa fariin dhiirrigelin ah u dirtay dhallinyarada Somaliland, iyadoo sheegtay in ay yihiin laf-dhabarta qaranka iyo kuwa mudnaanta koowaad leh.

Wasiir Milgo ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii dhallinyaradu ay muujiyaan dadaal, aanay is-casin, ay noqon karaan awoodda ugu weyn ee dalka horumariya, waxa ay ku boorrisay in aanay is dhiibin, balse ay ka shaqeeyaan horumarkooda iyo kan qaranka.

Wasiiraddu waxay carabka ku adkaysay in dowladda ay ka go’an tahay taageerada dhallinyarada, iyadoo la siinayo fursado shaqo, xirfado iyo barnaamijyo horumarineed oo kor u qaada noloshooda.

Waxaaney tidhi."Dhalinyaradu haddii aanay iscasileyn iyagu waa awooda Qaranka, ha is dhiibina, mudnaanta koowaadna iyagaa leh, waxaanu dhallinyarada u qabana shaqo abuur”
     
Loading...