Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo Kormeer ku Tagay Fadhiisimaha Ciidanka ee Awdal iyo Salal

Wednesday September 10, 2025 - 12:31:01
hadhwanaagnews
Odayaasha Lughaya ayaa uga mahadceliyay Taliyaha booqashadiisa



Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan, ayaa kormeer muhiim ah ku soo maray fadhiisimaha Ciidanka Qaranka ee gobollada Awdal iyo Salal, sidoo kale Taliyaha ayaa halkaas shirar kula yeeshay Guddida Nabadgelyada Gobolka Salal, oo uu guddoomiyaha ka yahay Guddoomiyaha Gobolka iyo waxgarad kale. Shirkaa ayaa la sheegay in lagaga hadlay xaaladda nabadgelyada gobolka, iyadoo taliyuhu warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta.

 

Sida wargeyska Dawan ka soo xigatay madaxda Ciidanka Qaranka, Taliye Nimcaan waxa uu booqday fadhiisimaha ciidanka ee xuduudaha Somaliland iyo Jabuuti, isagoo warbixinno ka dhegeystay mas’uuliyiinta ciidanka ee xarumaha jooga. Waxa uu sidoo kale kormeerkiisii ku sii maray fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee degmada Lughaya, halkaa soo uu kula kulmay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka. Kulankaa ayaa la sheegay in looga hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga iyo iskaashiga ka dhexeeya ciidanka iyo bulshada.

Odayaasha Lughaya ayaa uga mahadceliyay Taliyaha booqashadiisa iyo sida uu ula socdo xaaladda amniga gobolka. Kormeerka Taliye Nimcaan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo hannaanka ciidanka qaranka, gaar ahaan tababarka, qalabaynta, iyo diyaargarowga difaaca xuduudaha Somaliland, si loo xoojiyo awoodda ciidanka ee ilaalinta amniga dalka.

Inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin, waxa la xusay in dedaallada noocan ahi ay qayb ka yihiin istaraatiijiyadda ciidanka qaranka ee adkeynta nabadgelyada iyo difaaca Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...