Guddida Khayraadka Dabiiciga ah, Deegaanka, Wax-soosaarka iyo Tamarta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Burco ku qabtay kulan muhiim ah oo wadatashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Korontada Somaliland (Xeer Lr. 81/2018). Kulankan waxa uu muujinayaa horumar iyo dammaanad siyaasadeed oo muhiim u ah kobcinta tamarta dalka, iyadoo loo marayo dib-u-eegis sharciyeed oo lagu tayaynayo hab-maamuuska, nidaamka iyo ilaalinta xuquuqda dhinacyada ku lugta leh.
Xeerkan oo la ansixiyay sanadkii 2018, waxa uu ahaa tallaabo horudhac u ah nidaaminta suuqa korontada ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, afar sano kadib, waxa muuqata baahi degdeg ah oo loo qabo in la waafajiyo xeerka isbeddelada cusub ee ku yimid suuq-geynta, maaraynta iyo ballaadhinta kaabeyaasha korontada, gaar ahaan korodhka baahida tamarta, koboca ganacsiga yaryar, iyo baahida lagu xakameynayo qiimaha, tayada iyo badbaadada adeegga.
Kulanka Burco waxa uu tusaale u yahay sida Goleyaasha sharci-dejinta ee Somaliland ay uga go’an tahay inay tallaabooyin ka qaadaan dhibaatooyinka horyaalla bulshada, iyagoo dhegeysanaya aragtida daneeyayaasha, laga bilaabo shirkadaha bixiya korontada, ilaa macaamiisha, ururada deegaanka, iyo hay’adaha dawliga ah ee khuseeya. Wadatashigan waxa uu sare u qaadaya hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo waxtarka sharciga la beddelayo.
Korontadu waa laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha, isla markaana waa xuddunta horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo amniga deegaanka. Sidaa awgeed, hagidda istaraatiijiyadeed ee la xidhiidha shuruucda tamarta waa inay ku salaysnaadaan sinnaanta helitaanka adeegga, ilaalinta deegaanka, dhiirrigelinta maalgelinta waarta, iyo kobcinta tamarta nadiifka ah. taas oo ah mid ka mid ah ahdaafta waaweyn iyo himalada xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Ugu dambayn, dadaalka Guddida Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladu waxa uu muujinayaa in la galay wejigii labaad ee siyaasadda tamarta Somaliland, mid aan ka cabsi qabin dib-u-eegis, kana faa’iidaysanaya fursadaha si loo abuuro mustaqbal tamareed oo caddaalad, waara, isla markaana la jaan-qaadi kara himilooyinka horumarineed ee qaranka. Golaha Wakiilada waxa laga sugayaa in ay si cilmiyeed, caddaalad iyo wacyi bulsho ku saleysan u wajahaan xeerka cusub,, iyadoo diiradda la saarayo danaha guud ee shacabka Somaliland.