Galmudug waxay ka mid tahay dowlad-goboleedyada muhiimka ah ee ka jira Soomaaliya, waxaana ay leedahay door muhiim ah oo ku aaddan xasilloonida, midnimada, iyo horumarka guud ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli jira caqabado waaweyn oo hortaagan horumarka Galmudug, kuwaas oo haddii si dhab ah loo wajaho, loo heli karo xalal waara oo mustaqbalka gobolka u horseedi kara nabad iyo barwaaqo. Qormadan kooban waxay diiradda saareysaaafar arrimood oo muhiim ah:
1.isku-dhacyada qabiilada
2.sugidda amniga iyo xoraynta deegaannada
3.dhismaha wadooyinka muhiimka ah, iyo
4.helidda dekad istiraatiiji ah.
1. Isku-dhacyada Qabiilada: Xal waara oo salka ku haya cadaalad iyo wada-hadal
Isku-dhacyada qabiilada waa caqabad salka ku haysa taariikh fog iyo loollan dhanka kheyraadka, awoodda, iyo dhulka. Marka ay jiraan khilaafaad, waxaa si fudud u kala qeybsama bulshooyinkii walaalaha ahaa, taasoo keenta dhiig daata, barakac, iyo horumar xanniban.
Xalka:
vIn la hirgeliyo hannaan nabadeed oo rasmi ah oo lagu dhiso kalsooni iyo wadashaqeyn u dhexeysa beelaha dega Galmudug.
vIn la sameeyo guddi dhexdhexaadin ah oo ay ku jiraan odayaal dhaqameed, culumaa’udiin, haween iyo dhalinyaro, kuwaasoo si hufan u xalliya khilaafaadka.
vIn dowladda federaalka iyo tan Galmudug ay taageeraan barnaamijyada dib-u-heshiisiinta, loogana faa’iideeyo waayo-aragnimada shirarkii hore ee lagu guuleystay.
F.G:Nabad la’aan = Maalgashi la’aan = Shaqo la’aan = Saboolnimo
2. Xoraynta Deegaannada iyo Sugidda Amniga: Muhiim u ah dawladnimada iyo horumarka
Qaybo ka mid ah Galmudug wali waxaa gacanta ku haya kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab, kuwaas oo caqabad weyn ku ah nabadda, xorriyadda dadka, iyo dhaqaalaha gobolka. Dhanka kale, deegaannada la xoreeyo waxay u baahan yihiin nabadgelyo joogto ah si aanay gacanta ugu noqon mar kale kooxaha nabad-diidka ah.
Xalka:
vIn la kordhiyo iskaashiga amniga ee u dhexeeya dowladda dhexe, Galmudug, ciidamada deegaanka iyo shacabka deegaanka.
vIn la dhiso saldhigyo ciidan oo joogto ah, lana tababaro ciidamo deegaanka ah si ay ula wareegaan sugidda amniga.
vIn dib-u-dhiska degmooyinka la xoreeyo la dardargeliyo, si shacabka loogu abuuro fursado noloshooda horumariya.
3. Dhismaha Wadooyinka: Isku-xirka bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha
Wadooyinka isku xira Dhuusamareeb iyo degmooyinka kale ee Galmudug sida Guriceel, Cadaado, Gaalkacyo, Hobyo iyo Xarardheere waa laf-dhabarta isku socodka bulshada iyo koboca dhaqaalaha. Hase yeeshee, inta badan wadooyinku waa kuwo burbursan, taasoo caqabad ku ah horumarka. Hagaajintooda waxay muhiim u tahay ganacsiga, adeegyada bulshada, iyo isku xirka gobollada, taasoo kor u qaadaysa fursadaha nololeed ee dadka deegaanka.
Xalka:
vDowladda Federaalka iyo Dowladda Galmudug waa in ay wadooyinka ka dhigaanmudnaan horumarineed, oo lagu daro miisaaniyadda sanadlaha ah.
vBulshada deegaanka waa in lagu dhiirrigeliyo inaysi mutadawacnimo ah uga qayb qaataan[iskaa wax u qabso] dhismaha iyo dayactirka wadooyinka.
F.G:Wado la'aan = Horumar la'aan, sidaas darteed, wadashaqeyntu waa dariiqa keliya ee lagu gaari karo horumar waara.
4. Helidda Dekad: Albaabka horumarka mustaqbalka Galmudug
Galmudug, oo leh xeeb muhiim ah oo u dhow Hobyo, waxay leedahay fursad dahabi ah oo ay ku heli karto dekad casri ah, taasoo noqon karta isha ugu weyn ee koboca dhaqaalaha gobolka. Dekadda Hobyo ayaa muhiim u noqon karta ganacsiga gudaha iyo kan caalamiga ah.
Xalka:
vIn la dhammeystiro qorshaha dhismaha dekadda Hobyo oo marar badan laga hadlay balse aan si buuxda loo hirgelin.
vIn laga shaqeeyo xasilinta amniga deegaanka Hobyo si maalgashadayaashu ay kalsooni ugu qabaan inay ku maalgeliyaan.
vIn la sameeyo sharciyo maalgashi oo fududeeya in shirkado caalami ah iyo ganacsato Soomaali ah ay maal geliyaan mashruuca dekadda.
F.G:Dekad (port) = Imaatinka Alaab + Dhoofinta Khayraad + Hoos u dhigid Qiimaha Alaabta+ Kordhinta Dhaqaale
Gunaanad
Galmudug waxay u baahan tahay dadaal mideysan oo lagu wajaho caqabadaha jira, iyadoo la adeegsanayo wada-tashi, iskaashi, iyo hufnaan. Haddii la xalliyo isku-dhacyada qabiilada, la sugo amniga, la dhiso wadooyin casri ah, lana hirgeliyo dekad istiraatiiji ah, Galmudug waxay noqon kartaa tusaale ifaya oo muujinaya sida dowlad-goboleedyadu u noqon karaan tiirarka horumarka iyo midnimada Soomaaliya. Waxaa la joogaa xilligii la wada shaqayn lahaa si loo dhiso mustaqbal wanaagsan oo Galmudug ay hoggaan u noqoto.
Best Regards,
Abdinur Ali-Hosh
Email:[email protected]
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!