Badhasaabka Gabiley oo Shir Amni La Qaatay Hay'adaha Dawladda Si Loo Xoojiyo Nabadgelyada Ciidda

Wednesday March 18, 2026 - 15:00:22
HADHWANAAGNEWS
Masuuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa si qoto dheer



Badhasaabka Gobolka Gabiley, Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), ayaa shir muhiim ah oo la xidhiidha amniga la yeeshay hay’adaha kala duwan ee laamaha dawladda ee ka hawlgala gobolka.


 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, kordhinta iskaashiga hay’adaha, iyo hubinta in gobolka Gabiley uu yeesho nabadgelyo buuxda inta lagu jiro munaasibadda Ciidda.


 

Masuuliyiinta ka qaybgalay kulanka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda amni ee gobolka, caqabadaha jira, iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu adkayn karo nabadda iyo xasilloonida.


 

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la kordhiyo wada-shaqaynta u dhexaysa laamaha ammaanka iyo hay’adaha kale ee dawladda, si si degdeg ah looga hortago khatar kasta oo iman karta, loona xaqiijiyo badbaadada shacabka.


 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka gobolka Gabiley ugu jiro sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida, gaar ahaan xilliyada ay bulshadu si weyn u dhaqaaqdo sida maalmaha Ciidaha.

     
Loading...