"Aqoonta iyo Qorshuhu Waa Tiirarka Horumarka Ardayga: Dardaarankii Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

Saturday September 06, 2025 - 13:42:13
hadhwanaagnews
Sidoo kale, deeqda uu guddoomiyuhu ugu hibeeyay ardayda



Xiliga qalin-jabinta ardayda Jaamacadaha dalku waa guul iyo rejo wada socda, balse sidoo kale waa albaab furmaya oo u baahan in si xeel dheer loo qaabilo. Munaasibaddii qalin-jabinta Jaamacadda Golis ee Hargeysa, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu ardayda la wadaagay farriin dhaqan iyo hogaamineed: "Guusha nolosha waxa dhaliya qorshe cad iyo diyaar-garow mustaqbaleed, balse maaha werwer iyo cabsi joogto ah.”

Mudane Xirsi wuxuu si cad u sheegay in werwerku aanu faa’iido u lahayn qofka noloshiisa iyo aakhiradiisaba. Halkii ay ka noqon lahayd caqabad, ardayda waxa laga doonayaa in ay mustaqbalkooda ku qaabilaan kalsooni, qorshe, iyo dadaal joogto ah. Tani waa farriin si weyn ula jaanqaadaysa caqiidada iyo dhaqanka bulshada Somaliland, isla markaana si qaranimo leh u muujinaysa doorka dhalinyaradu ku leeyihiin horumarinta mustaqbalka Somaliland.

Sidoo kale, deeqda uu guddoomiyuhu ugu hibeeyay ardayda sharciga barata ee qalin-jabineysa, buuggiisa cusub, waxay calaamad u tahay in aqoonta la wadaago ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee guusha. Tallaabadan ayaa tusaale u ah sida hoggaamiyeyaashu u dhiirrigelin karaan dhalinyarada, iyagoo tusaya in waxbarashada aan loo eegin shaqo raadis keliya, balse loo arko fure lagu horumariyo nafta, bulshada, iyo qaranka.

Somaliland, oo dhalinyaradeedu tahay aqlabiyadda bulshada, waxay u baahan tahay jiil qorshe leh, hal-abuur leh, isla markaana ku dhiiran inuu ka fikiro meel fog. Farriinta Guddoomiyaha WADDANI waxay u muuqataa mid dhiirrigelinaysa dhalinyarada in ay ka baxaan xaaladda warwarka ah iyo niyad-jabka, isla markaana y qaataan dariiq ku salaysan qorshe, go’aan iyo himilo.

Casharka laga qaadan karo waa hal mid:mustaqbalka lama sugo ee waa la qorsheeyaa.Qalin-jabiyeyaasha maanta waxay noqon karaan hoggaamiyeyaasha berri haddii ay aqoontooda u adeegsadaan sidii ay ugu qabsan lahaayeen dariiq horumar, adeeg bulsho, iyo dhismaha qarankooda.

Farriintani waa mid ka baxsan hambalyada caadiga ah ee munaasibadaha. Waxay ku salaysan tahay xaqiiq cad: werwerka iyo cabsida joogtada ahi ma keenaan wax guul ah. Waxa guusha dhaliya waa qorsheynta mustaqbalka, diyaarinta nafta, iyo ku dhaqanka dadaal joogto ah.

Dardaaranka Guddoomiyaha WADDANI wuxuu xasuusin u yahay ardayda iyo guud ahaan bulshada in horumarku u baahan yahay qorshe, dadaal iyo kalsooni isla markaana dhalinyarada looga baahan yahay in ay mustaqbalka ku wajahaan dadaal iyo qorshe. Somaliland waxay ka mid noqon kartaa dalalka guusha ka gaadha horumarka iyo barwaaqada haddii jiilka cusub uu qaato farriintan guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo ay hadalkiisa u bedelaan ficil.

     
Loading...