Xisbiga KULMIYE Oo Shaaciyey Xilliga La Bilaabayo Qaybinta Kaadhadhka Golaha Dhexe

Saturday July 18, 2026 - 15:33:06
hadhwanaagnews
Waxa uu ugu baaqay dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee is-diiwaangeliyey,..



Mid ka mid ah masuuliyiinta sare ee Xisbiga KULMIYE, Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa ku dhawaaqay in qaybinta kaadhadhka xubnaha Golaha Dhexe ee xisbigu si rasmi ah u bilaaban doonto 23-ka bishan, iyadoo shirweynaha Golaha Dhexe loo muddeeyey 28-ka bishan.


 

Cabdikariim Xinif ayaa sheegay in diyaarinta kaadhadhku meel wanaagsan marayso, isla markaana la dhammeeyey qiyaastii 85% ka mid ah kaadhadhka xubnaha is-diiwaangeliyey. Waxa uu xusay in hawsha dhamaystirka kaadhadhka hadhay ay sii socon doonto maalmaha soo socda.


 

Waxa uu ugu baaqay dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee is-diiwaangeliyey, gaar ahaan kuwa ka imanaya gobollada dalka, inay si shakhsi ah u yimaaddaan xarunta xisbiga si ay u qaataan kaadhadhkooda, isaga oo caddeeyey inaan kaadhadhka cid kale lagu wareejin doonin.


 

Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif ayaa yidhi: **"Sidaad la wada socotaan shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxa uu muddaysan yahay 28-ka bishan. Maalmahan waxa socday diyaarinta iyo samaynta kaadhadhka, waxaana la dhammeeyey 85% ka mid ah. Waxaanu ku wargelinaynaa bahda reer KULMIYE ee is-diiwaangelisay in laga bilaabo 23-ka bishan ay iman karaan xarunta si ay u qaataan kaadhadhkooda. Ma jiri doonto cid lagu odhanayo kaadhka u sii dhiib, gaar ahaan xubnaha gobollada ka yimid waa inay si toos ah u yimaaddaan xarunta oo ay qaataan kaadhadhkooda.”

     
Loading...