Sidoo kale, tallaabadan waxa ay xambaarsan tahay fariin
Xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Taiwan waxa uu galay marxalad cusub oo istiraatiiji ah, kaddib markii labada dhinac si rasmi ah u shaaciyeen heshiis iskaashi oo dhinaca badda ah. Heshiiskan oo loogu talogalay in lagu horumariyo sugnaanta badda, xoojinta ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo wada shaqayn dhanka ilaalada xeebaha ah, waxa uu muujinayaa tallaabo cad oo labada dal ay u qaadayaan dhanka sare u qaadidda danahooda wadajirka ah.
Iskaashigan cusub ayaa noqonaya mid sal u ah siyaasadda istiraatijiyadda badda ee Somaliland, maadaama xeebteeda dheer ay leedahay muhiimad istaraatiji ah oo ku taalla marin biyoodka caalamiga ah ee Baabul Mandab. Taageerada Taiwan ee dhinacyada qalabaynta ciidamada badda, tababarka ilaalinta xeebaha, iyo tiknoolajiyadda lagu ogaanayo khataraha badda ka imaan kara, waxa ay Somaliland siin doontaa fursad ay ku adkaysato madaxbannaanideeda, kuna xaqiijiso bad qabka xuduudaheeda badeed.
Xaaladda gobolka oo kacsan iyo loollanka saameynta ee ka socda badda cas waxay kordhinayaan qiimaha juqraafiyeed iyo siyaasadeed ee iskaashiga noocan ah. Taiwan oo iyaduna wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo uga imaanaya Shiinaha, waxay dani ugu jirtaa inay la yeelato xidhiidhyo adag oo istiraatiji ah, gaar ahaan wadammo leh halgan la mid ah kan ay iyadu ku jirto. Sidaas darteed, Somaliland iyo Taiwan waxay isu arki karaan lamaane ay danahoodu isku dhigmaan, kana faa’iidaysan kara iskaashi dhinacyo badan leh oo aan ku ekaan badda. milatarin iyo technologyada.
Iskaashigan waxa uu sidoo kale tilmaamayaa isbeddel cusub oo Somaliland ay kaga jawaabeyso xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda iyo weliba xayndaabka diblomaasiyadeed ee ay ku jirto. Waa tallaabo ka tarjumi karta kartida iyo go’aan adag ee dowladda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ku doonayo in uu ku xoojiyo aqoonsiga Somaliland iyo iskaashiga caalamiga ah, isaga oo wax ka beddelaya jihadii hore ee xirldhiidhka shisheeye.
Sidoo kale, tallaabadan waxa ay xambaarsan tahay fariin cad oo la xidhiidhta masiirka madax bannaanida Somaliland: in waddanku diyaar u yahay in uu iskaashi la yeesho cid kasta oo ixtiraamaysa jiritaankiisa, ilaalinaysa danihiisa, kana fog eex siyaasadeed ama faragelin xad dhaaf ah. Waa heshiis noqon kara tusaale u ah sida Somaliland u maarayn karto xiriir dibadeed oo ku dhisan dheelitirnaan, istaraatijiyad iyo danta guud ee shacabka.
Ugu dambayn, heshiiska badda ee Somaliland iyo Taiwan waa horumar weyn oo diblomaasiyadeed, istiraatiji ah, amni iyo dhaqaaleba leh. Waa fursad qaran oo u baahan in si qaranimo leh loogu midoobo, lagana faa’iidaysto si loo adkeeyo jiritaanka Somaliland, loona gaadho yoolalka fog ee ay hiigsanayso mustaqbalka dhow iyo ka dheerba.
Daahir Cabdi Ciise