Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ayaa safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Saturday July 26, 2025 - 10:25:52
hadhwaangnews
Shirka Hay'adda CARE INTERNATIONAL ku qabatay Magaalada Nairobi,

Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, ayaa Magaalada Nairobi kaga qayb-galay shir ku saabsan barnaamij magaciisu yahay "Home Grown School Feeding Programme" kaasi oo wasaaradaha Beeraha & waxbarashadu kala shaqeeyaan Hay'adda CARE INTERNATIONAL.

Shirka Hay'adda CARE INTERNATIONAL ku qabatay Magaalada Nairobi, ayaa lagaga hadlay sii horumarinta Barnaamijka Home Grown School Feeding Programme, waxaana lagu marti-qaaday wasaaradda Beeraha oo uu matalayo Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax iyo Agaasimaha guud ee Waxbarashada.

Barnaamijkan oo Hay'adda CARE ka waddo Somaliland isla-markaana ay kala shaqeeyaan Wasaaradaha Beeraha iyo Waxbarashada, ayaa taageera tababarada Beeralayda, Beeraha laga dhex sameeyo Dugsiyada Waxbarashada, bixinta Green house-yada Beeraha iyo wixii la xidhiidha horumarinta Beeraha oo Wasaaradda Beeruhu si gaar ah ugala shaqayso Hay'adda CARE International.
     
Loading...