hadhwanaagnews
Xarunta Baanka Dhexe ee JSL, ayaa waxa si habsami leh uga socota diiwaangelinta iyo dib u cusboonaysiinta Laysamada Sarifleyaasha Somaliland taas oo dhawaan uu bilaabay Baanka Dhexe ee Somaliland, ka dib heshiis ay si wada jir ah u gaadheen Baanka iyo Sarifleyaasha dalku.
Madaxa Diiwaangelinta iyo Ruqsad Bixinta Baanka Dhexe ee JSL Mudane Sacad, ayaa ka warbixiyey habsami u socodka Diiwaangelinta iyo Cusboonaysiinta Laysamada Sarifleyaasha dalka, waxaana uu tilmaamay inay adeegsanayaan nidaam casri ah oo looggu talogalay in lagu kor joogteeyo oo lagu nidaamiyo sarifka dalka kaas oo wax weyn ka tari doona xasiloonida suuqyada maaliyaddeed ee dalka, waxaana uu yidhi:
"Waxa halkan ka socota cusboonaysiinta laysamada sarifka iyo diiwangelinta iyada la adeegsanayo nidaam casri ah oo lagu talogalay in lagu kor joogteeyo oo lagu nidaamiyo sarifka, waxaana uu nidaamkaasi ka qeybqaadan doonaa habsami u socodka ee xasiloonida suuqyada maaliyaddeed iyo sidoo kale inay sarifleyaasha macaamiishu ka helaan gacanta hore iyo gacanta dambe lacagaha ay u baahan yihiin haday Dollar tahay iyo haday Shilling tahay ba”
Madaxa Diiwaangelinta iyo Ruqsad Bixinta Baanka Dhexe ee JSL oo sidoo kale hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu yidhi: "Dhammaan Sarifleyaasha waxa la la socodsiinayaa inay soo cusboonaysiistaan ruqsadahooda inta ka horreysa 30ka bisha October, 2025, waxaana uu nidaamkan sahlayaa in qof kasta lagu diiwaangeliyo derajadii uu mutaystay ee uu xaqa u lahaa oo waxa jira sarifleyaal waaweyn oo lacago badan ku shaqeeya iyo sarifleyaal yar yar oo iyagu na hanti yar oo kooban ku shaqeeya oo iyagu na nolol maalmeedkooda kala soo baxa, markaa nidamkani ma simi doono isku sina looma diiwaangelinaayo, shuruudaha na uma sina”.
Mid ka mid ah Sarifleyaasha oo ku sugnaa goobta ay ka socoto diiwaangelintu, ayaa isagu na waxa uu yidhi: "Halkan waxa aan u nimi in aan cusboonaysiinsano liisankaygii qeybta sarifka, runtii na halkan waxa ka socda shaqo si habsami leh u socota, waana heshiis aanu hore u wada galnay Baanka Dhexe ee Somaliland, markaa waxa aan u sheegayaa Sarifleyaasha in heshiiskii aynu la galnay Baanka inay iyagu na dabaqaan oo Liisamada na cusboonaysiistaan, waana soo dhaweynaynaa shaqadan wanaagsan.