"Bangiga Dhexe ee JSL oo AfricaNenda uga Mahad Naqay Shirkii SIIPS"

Saturday November 15, 2025 - 13:49:23
hadhwanaagnews
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay war qoraal ...



Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, oo shir caalami ah kaga qayb-galay dalka Boqortooyada Eswatini, ayaa bogaadin iyo mahadnaq u diray madaxda iyo masuuliyiintii soo agaasimay martigelinta shirkii SIIPS 2025, isaga oo xusay in wafdigii ka socday Bangiga Dhexe ee Somaliland si diirran loogu soo dhaweeyey shirkaas.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta dhex-martay Bangiyada Dhexe ee Afrika iyo hay’adaha hormuudka ka ah nidaamyada lacag-bixinta degdega ah sida EthioSwitch, GhIPSS, iyo NIBSS. Isaga oo caddeeyay sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga go’an tahay horumarinta maaliyadda dhijitaalka ah, iyada oo si firfircoon uga qayb qaadanaysa hirgelinta nidaamyada lacag-bixinta degdega ah ee loo dhan yahay.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay war qoraal ah uu soo saaray, kuna baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo u dhignaa sidan: "Aniga iyo wafdiga Bangiga Dhexe Ee Somaliland waxaan jeclaan lahayn inaan kaaga mahadnaqno si qoto dheer soo dhoweynta diiran iyo agaasinka heerka sare ah ee naloo sameeyay intii aan joogney Boqortooyada Eswatini.

In ka badan labaatan dal oo Afrikaan ah martigelintooda inaad u samayseen si hufan, sharaf leh oo waliba aad ku ladheen dhaqankiina hodanka ah waxay ka dhigtay SIIPS 2025 mid ka mid ah munaasibadaha taariikhda Afrika baal-dahab ah ku qormi doona gaar ahaan dhinaca isbeddelka maaliyadeed ee dhijitaalka ah.

Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo madaxda qiimaha badan ee aan muddadii aan halkan joognay wada shaqeynay sida :

  1. Mudane Henry F. Saamoi, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Liberia
  2. Mudane Dr. Rogério Lucas Zandamela, Guddoomiyaha Bangiga Mozambique.
  3. Ku-xigeennada Guddoomiyeyaasha Bangiyada Dhexe ee Sierra Leone iyo Botswana.
  4. Iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha hormuudka ka ah nidaamyada lacag-bixinta ee Afrika ee kala ah EthioSwitch (Ethiopia), GhIPSS (Ghana), iyo-NIBSS (Nigeria).

Aragtidiina, ka bangiga Dhexe Ee Eswatini ahaan , hoggaamintiina iyo khibradihiina ayaa runtii kobcisay doodihii iyo kulamadii muhiimka ahaa ee SIIPS ee sanadkan 2025-ka.

Mahadnaq gaar ah waxaan u dirayaa saxiibadayadda AfricaNenda oo sameeyay bandhig heer sare ah, isla markaana soo diyaariyay warbixin muhiim ah oo hagi doonta mustaqbalka Afrika ee nidaamyada lacag-bixinta degdega ah, is-ku-furan, ee loo dhan yahay (Inclusive Instant Payment Systems – SIIPS).

Jamhuuriyada Somaliland waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta Maaliiyada dhijitaalka ee Afrika guud ahaan iyo ta Qarankeeda gaar ahaan. Waxaan si fitfircoon oo buuxda isla markaana dhammaystiran qayb uga nahay hirgelinta nidaamyada lacag-bixinta degdega ah ee loo dhan yahay, waxaanan si kal iyo laab ah ugu hawlannahay xaqiijinta yoolka 2030 ee Qaaraddu ka leedahay lacag-bixinta degdega ah ee loo dhan yahay si dhaqaalaha iyo nolosha ddyowga afrika loo tayeeyeeyo.”

 

     
Loading...